GarooweOnline oo beentii jawaari ka dabatagey (Daawo)

Filed under: Wararka |

Shabakadda Caalamigaa ee Garoowe Online ayaa soo waraysatay Soomaalida reer Bay iyo Bakool ee Garoowe Ganacsiga Baaxadda wayn ku haysata, Kadib Markii Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari isagoo luuqadda Afmayga ku hadlaya uu sheegay in reer Bay iyo Bakool hantidooda lagu boobo Puntland, oo Galmudug loo masaafuriyo oo baabuur inta lagu xaabsho Galmudug lagu daadiyo.

Hadalka Jawaari ayaa waxaa aad iyo uga carooday shacabka reer Puntland oo xildheeriya iska saaray Soomaalida reer Bay iyo Bakool oo Puntland kunoolaa wixii ka danbeeyay 1990.

Inta baddan shacabka reer Bay iyo Bakool ayaan bil xaqiiqiyan ku helin xuquuqda ay Puntland ku hellaan meelaha kale sida Soomaaliland.

Inkastoo qofka martidaa meel kasta oo uu marti ku yahay uunan ka helayn wixii uu ka helilahaa magaaladii uu ku dhashay, oo ay meel walba aduuka joogaan dad dhaqan xun oo aan lahayn garasha fog isla markaana jecel in uu dulmiyo dadka taagta daran ama martidaa, hadana sida Guud shacabka reer Puntland waxay ku amaanan yihiin sida ay sida guud isaga xilsaareen dhawrida xuquuqda Soomaalida kale ee aan asal ahaan Puntland ku dhalan.

Hadana Puntland waxaad moodaa in shacabku ay garowsan yihiin in ruuxa Soomaaligaa ee Puntland jooga uu dalkiisa qayb kamida uu joogo, cidna aanu marti ugu ahayn ee uu yahay ruux mawaadina oo Soomaaliya oo dalkiisii jooga ee aanu ahayn ruux ajnabiya.

Waa in ruuxa Soomaaligaa laga dhaadhiciyo ruuxa Soomaaligaa ee dalkiisa Jooga ciddii xuquuqdiisa isku dayda in ay ku xadgudubto in Sharciga la hor geeyo
Hoos ka daawo.