Geedaha iyo Godinta

Filed under: Important News,Sheekooyinka,Wararka |

Geedaha iyo Godinta

Nin baa kaynta dhex yimid oo Geedihii weyddiistey in ay ku haqabtiraan daab uu faaskiisa gashado. Geedihii waa ka yeeleen codsigiisii oo waxay siiyeen geed qudhac ah oo yar. Waxaa durbadiiba dhacday in ninku daabkiisii cusbaa faaskii ku xirtey oo uu billaabay in dhirtii waaweynayd ee asiiliga ahayd ee kaynta si degdeg ah mid mid u jarjaro. Qansax gaboobay, goor dambe oo uu jaallayaashiisii waayay, ayaa quraar oo jaarkiisii ahaa u cataabay oo ku yidhi: “Tallaabadii u horreeysey oo aynnu qaadnay ayay talo faraheenna ka haadday. Haddaynnaan xuquuqda qudhac meel kaga dhici lahayn, wali suurtaggal bay inoo ahaan lahayd in haybaddeenna qarniyo sii jiri oo sii joogi lahayd.”

Godinyahay ima gooysayn haddaanay gabalkay kugu jirin

The Trees and the Axe
A man came into a forest and asked the Trees to provide him a handle for his axe. The Trees consented to his request and gave him a young acacia tortilis. No sooner had the man fitted a new handle to his axe from it, than he began to use it and quickly felled with his strokes the noblest giants of the forest. An old acacia reficiens, lamenting when too late the destruction of his companions, said to a neighboring commiphora campestris, “The first step has lost us all. If we had not given up the rights of the ash, we might yet have retained our own privileges and have stood for ages.”

Give me an inch and I’ll take an ell

AESOP