Geeddi Baabbow [Gol Janno]

Filed under: Wararka |

Wax la yidhi, “guyaal hore

Bahal geed is-marisaa

Maqlay gobol Islaamoo

Wadaad gaasabbaxay raba”;

Gadh intuu sameeystuu

Kutub garabka soo sudhay

Soo gaadhyay beeshii.

 

Hadba dadabta loo goo

Hadba goolal loo loog

Badhi iyo leg loo gee

Gallad loogu roonaa,

Hoosna gaadhku kala socoy.

 

Gahangaha abaaraha

Sida weerka guuree

Hadba reer ku soo gaas

Hadba galab carraabaha

Masallaha gabboodkiyo

Hoos galbeedka soo dhigey

Gelin qudha maqnaanwaa

Guryihii ku fara baday

Galgal iyo xasarad keen

Gacan dhaafna lagu arag.

 

Gungunuuska beenta ah

Ku galgalay Quraankii

Guudaankii dhayiwaa

Goosan lumay bariinwaa,

Lagu baray geddiisiyo

Inaan Geeddi Baabbow

Naf gunaanadkeediyo

Garashada ku dheereeyn,

Misna gogosha loo badi.

 

Isna laba gar-daaqii

Hadba taako sii gudub

Ganacsiga ku sii durug.

 

Guuldarraa ka salaglee;

Galab buu ka kacay meel

Gegi laysu soo baxay

Dadkii joogey goobtaas

Kadin geel ah weyddii.

 

Warka Geeddi Baabbow

Gujo iyo faq hoosiyo

Isha laysku gaadhsii,

Waa dad soo gubtoo jabay

Dhegahay gufeeysteen.

 

Sii garooc hankiisii;

Gu’rin qaalinuu yidhi

Yaa godkiisa hoosiyo

Geysanaaya aakhiro?

 

Shirkii ruux garaaboo

Gacan taaga lagawaa.

 

Iyadana ka sii gudub;

Kuye, “gacallayaalow

Boqol shilin ha lay guro”.

 

Goroddaa la wada lulay

Ku go’ baana lagu yidhi.

 

Gonduhuu u sii degey

Kuye geed is-mariskii,

“Gini lagaca yaa hura?”

 

Laga gaabsay hadalkii.

 

Wuxuu yidhi, “galkiisiyo

Yaa kitaabka naga gada?”

 

“Gaw!” baa la wada yidhi

Go’aa boodhka laga tumey

La bannee gawaankii,

Dadku galab carraabaha

Badhba gees u siigee

Raabe-raabe loo guran

Golihii ku noqoy keli

Goobtaas la kala dhimey.

 

Isna Geeddi Baallow

Galalkiyo khamiiskiyo

Garangari Kitaabkii

Ged kalow u diga-rogey,

Miciyii gahaydhiyo

Daba goojinaysiyo

Gawsihii u sheellaa

Gibishii u duubnayd

Gashay saamihiisii

Gaalleemadii tuur

Gefi waa runtiisii

Waa tuduc ka mid ah maansada ’Gol Janno’ ee M. I. W. Hadraawi