Geela Aduunka waa 14 Million Kala Bar Soomaaliya Ayuu Ku Nool Yahay (Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

somali camel
Geela aduunka ku nool ayaa lagu qiyaasaa 14 illaa 24 million.
Inkastoo aan cilmi baaris rasmiya wali la samayn hadana waxaa la isku raacay in Geela aduunka 50% uu Soomaaliya ku nool yahay waliba haddii DDSI iyo NFD lagu daro oo si daacada loo tira kooba waxay u badantahay in Geela aduunka laga dhaqdo uu 70% ku nool yahay dhulka ay Soomaalidu degto.

Arrintaan ayaa noqonaysa arrin mucjiso ah oo aan horey looga warhayn waayo waxaa laga hadlayaa 7 kun oo million oo ruux oo dunida ku nool, iyo Soomalida oo dhowr million oo qura ka ah 7-da kun ee million ee dunida.

Haddii illaahay ku manaystay dhowrka million ee Soomaalidaa ee dunida ku nool Geela aduunka in ka badan 50% calashaan kala bar geela aduunka taasi waxay ku tusaysaa sida illaahay ugu hiiliyay Soomaalida maasha allaah.

Hoos ka eeg warbixino arrinkaas ka hadlaya

http://www.puntlandobserver.com/somali-camel-traders-pay-the-price-of-war-in-syria/
http://www.camelgate.com/pdf/introduction.pdf

Si kooban u diyaariye Eng Ibrahin Gablax

One Response to Geela Aduunka waa 14 Million Kala Bar Soomaaliya Ayuu Ku Nool Yahay (Qormo Gaaban)

  1. Pingback: Geela Aduunka waa 14 Million Kala Bar Soomaaliya Ayuu Ku Nool Yahay (Qormo Gaaban) - Daily Somalia Report