Geesi halyaya Cabdiraxmaan Baadiyow: Qarankii Soomaaliyeed waa beec hallis baan ku jirnaa (Dhegeyso)

Filed under: Important News,Wararka |

Halyayga Geesigaa ee aan baqan ayaa maanta arrima badan oo inta damiirka leh ay qabaan ka dhawaajiyay, waxaana ka mid ah hadaladiisa.

Dalkii Soomaaliya khatar buu ku jiraa in la iibsado marba haddii xildhibaankii uu beec yahay oo aannay danbi ahayn oo madaxdii Qaranka ay iibsanayaan xildhibaankii aynan cidina oranayn waa qalad ama waa musuqmaasuq

Mar haddii xildhibaankii la gadanyo kambaniyaa dalka iibsan kara, hadiiba ayna ceeb ahayn

Halkaan ka eeg maqaal arrinkaas ka hadlaya Puntlandobseerver aan ku daabacnay 3 sano ka hor

Dawladda maanta joogta waa ku fashilantay ballanqaadkii shacabka hadana waxay ka shaqaynayaan xukun kororsi.
Illaa inta awooddii shacabka ama in ay iyagu doortaan hogaanka ku habboon ay soo noqonaysa rajadu waayartaay.
Waxwalaba waa ay ku fashilmeen waayo dariiqii dawladaba ma aynan qaadin.

Shacabka soomaaliyeed Nichalas key ma xukumo, ee ajaanibtu kaliya waa kaalmayn karaaan, waxaa micna ii samaynaya Soomaaliya qaabkay ku hagaagi lahayd lagama shaqayn.

Qaabka ay hadda wax u socdeen ma ahan qaabkii dawlad soomaaliyeed loo helli lahaa, dariiqaan waa maran habaabin, dariiqaas ma ahan dariiq dawlo.

Qaabka hadda wax loo wado waa hallis jiritaankii qaranimada soomaaliyeed baaba hallis ku jira, marka waa in aan dib isugu noqono.

Waxaan arkaa xaaladda ay marayso dhismaha ciidan qaran majirto, mushaar lama siiyo ciidamada, shaqalaha, iyo qaabka loo qorro saasna dawlad laguma noqdo

Hoos ka dhegeyso hadalka Dr Baadiyow

Qormooyinkii aan horay uga daabacnay dr Baadiyow

One Response to Geesi halyaya Cabdiraxmaan Baadiyow: Qarankii Soomaaliyeed waa beec hallis baan ku jirnaa (Dhegeyso)