Gen. Muxyadiin Axmed Muuse oo noqday Indhacadaha Puntlad

Filed under: Articles,Wararka |

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Dr Cabdiweli Cali Gaas ayaa 6-dii bilood ee u danbeysey ku mashquulsanaa dib u habeynta ciidamada, si loo hubiyo tiro iyo tayo sax ah kuwaas oo sugi kara amaanka gudaha iyo xuduudahaba, waxaana ay ka mid ahayd ballan qaadkii uu dadka Puntland u sameeyey.
muxyadiin
Waxaa hubaal ah in ciidamada amaanka Puntland aysan helin dhamaan xuquuqdii ay maamulka ku lahayeen, sida Mushahar joogto ah, gunnooyin,dalacsiin iyo abaal marin kale, Waxaa hubaal ah in cidamada Puntland u adkeysteen dhibaato kasta oo soo wajahda isla markaana aysan marna tuutaha dhigin.

Isb-beddelka ciidamada ku socdey si looga baxo ‘caaglayaasha’ iyo tirada beenta ah ee saraakiishu xoolaha ku dhici jireen waxaa bar-barsocdey in saraakiisha la isku bedelo ama xilka laga qaado.

Jeneral Indha-caddaha Puntland

Taliye-kuxigeenkii hore ee Booliska Puntland Sareeye guuto Muxyadiin Axmed Aw-musse ayaa tan iyo markii xilkaa loo magacaabey u shaqeynaayey sida Taliyaha ciidanka daraawiishta, waxaana uu ka qabanaayey awood ka baxsan tan Booliska, sidoo kale waxa uu ka awood badnaa Taliyaha Ciidanka Booliska ee uu ku-xigeenka u ahaa marka la eego hawlaha loo diraayey oo ahayd shaqadii daraawiishta/Birmadka.

Muxyadiin Axmed Muuse, waxa u ciidanka Daraawiishta Puntland ka mid noqdey xiligii uu Puntland Madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yusuf Axmed, waxaana uu ahaa nin dable ah, Xukumaddii Cadde Muuse ayaa la sheegaa in laga dhigey taliyaha Xabsiga Bosaso.

Madaxweynihii hore ee Puntland oo Sareeye Guuto u xiray Muxyadiin Axmed Muuse
Madaxweynihii hore ee Puntland oo Sareeye Guuto u xiray Muxyadiin Axmed Muuse 2012

Xukumaddii Dr Faroole ayaa loo dalacsiiyey Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Puntland isaga oo markaa derajiisa lagu sheegey Gaashaanle Sare, isla sanadkii 2012 ayaa loo dalacsiiyey Sareeye Guuto oo uu la qaatey Deyr Cabdi Xaaji iyo Maxamed Siciid Jaqanaf oo xitaa Dowladdii Kacanka saraakiil ahaa!.

Dhabar-jebintii Galgala

Gen. Muxyadiin Axmed Aw-musse, ayaa sidaan horey u soo sheegney shaqada uu qabanayo ay ka weyneyd midda uu ku magacaaban yahay ee Taliye xigeen Boolis, waxaana uu ka mid ahaa Taliyaashii alShabaab kula dagaalamey Buuraha Calmadow sanadkii 2014, kadib markii ciidamada Puntland ay guul ka gareen dagaalkaas, Muxyadiin oo ka xun is-beddelo ka dhacay Garoowe ayaa furinta ciidanka si rasmi ah u soo baneeyey, waxaana uu fariistey Bosaso, Madaxweynaha Puntland oo ka xumaadey arintaas ayaa amar ku siyey ciidanka PFA ee fadhigoodu yahay Bosaso in la soo xiro Gen. Muxyadiin, waa lagu hagoogtey waxaana lagu qanciyey Gen.Muxyadiin in uu mar kale ku laabto Buurta uu difaaca uga jirey.

Ciidamadii uu hoggaminayey Gen. Muxyadiin waxa ay mar kale soo baneeyeen furintii ay cadowga isku horfadhiyeen markaana waxay si toos ah u soo galeen magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa xilkii ka qaadey Muxyadiin.

Tan iyo markaas Gen. Muxyadiin waxa uu ahaa Fallaago, waxa uu u dhaqmaayey si sharciga ka baxsan, waxaana uu caqabad ku noqdey dhamaan hawlihii ciidamada Puntland, amniga iyo isbeddelki socdey.

Keligiis kuma ahayn Gen. Muxyadiin caqabadaha maamulka hortaagan waxaa ku darsamey Agaasimihii hore Ciidanka Sirdoonka ee fadhigoodu Garoowe yahay Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi-yare) oo ay isku raas ka soo jeedaan Jeneraalka gadoodsan, waxaa si sharciga ka baxsan loo xereystey in badan oo ka mid ah gawaaridii tiknikada ahayd ee Puntland in lagu difaaco loogu talo galay, Sidoo kale waxaa la aaminsan yahay qaar badan oo u haystey in ay Malabka farta kula jireen maamulkii hore in ay dhabar-jebintan wax ka ogyihiin.

Dhabar-jebintii Saddexaad

Puntland oo caqabado badan haystaan sanadkan 2015 dhanka Galbeed culeys weyn Somaliland ka soo saartey, dhanka Waqooyi Bari al-Shabaab-kii ay buurta ku soo baneeyeen ay dib isu habeeyeen, dhanka Koonfureedna dhulkeediba la sheeganayo oo uu soo socdo maamul doonaya in ay Kastamkooda canshuuraha ka dhigtaan meel ku dhaw Burtinle.

Puntland oo isu diyarineysa in ay difaacdo xuduudaheeda dagaalkii lagu soo afjari lahaa kooxda ku dhuumaleysaneysa Buuraha Calmadow ee al-Shabaabka ee Proxy-war-ka loo isticmaalayo, ayaa mar kale Gen. Muxyadiin ku bilaabey in u dhabar-jebiyo,maamulkii uu derajada u xirtey.

Todobaadkan ayuu ciidamo dhigey Buuraha karindhiig oo caasimadda Puntland u jira 110km. Waxaa halkaas isku urursadey dhamaan ciidamadii uu kala so baxay buurta Galgala iyo kuwo kale oo deegaanka ka raacey, kuwaas oo markii danbe u guurey dhanka deeganada dhaca Badda Hindiya.

Gen. Muxyadiin Axmed Muuse waxa uu Puntland ku furey furin cusub oo shacabka Puntland ku tilmaameen dhabar-jebin Puntland aysan u baahneyn.

Natiijada falka Jeneraalka gadoodsan

Iyada oo muwaadinkasta oo reer Puntland ah isha ku hayo xaaladda Soomaaliya guud ahaan ka taagan, iyo khataraha Puntland ku soo socda aya la isweydiinayaa maxay tahay miraha iyo natiijada ka dhalan kara dhabar-jebinta uu Puntland ku hayo Jeneraalka gadoodsan Muxyadiin Axmed Muuse, haddii Muxyadiin derajada garbihiisa la suray u-soo mari lahaa waddada saxda ah, miyuu Puntland dhabar-jebin ku sameyn lahaa? isbaaro dhigan lahaa?, hubkeeda miyuu si sharci darro ah ku istcmaali lahaa?.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas waxaa lagu eedeeyaa in markii Gen. Muxyadiin iyo Cabdiyare ay ka dhagaadeygeen in ay xilka wareejiyan uu ku dacweeyey odoyaasha dhaqanka, haddaba haddii odoyaasha dhaqanku wax ka qaban waayeen, miyaanu Madaxweynuhu xaq u lahayn in uu hubka ka dhigo caddalaaddana horkeeno kuwa dhabar-jebinta ku haya, kuna furaya furimaha cusub.

Si kastaba cawaaqibta ka dhalata ficilada sharciga ka baxsan ee u samaynaayo Jeneraalka gadoodsan aya saameyn kara xitaa jiritaanka Puntland.

Ciidanka iyo Xuquuqdooda

Maamulka Puntland waxaa la gudboon in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u daboolaan dhamaan baahiyadda ciidanku qabaan, waa awooddii Puntland, waa kuwa u taagan ilaalinta nabadda lagu jiifo Puntland, horey waa u dhacday in ciidamadu xaqooda waayeen, Xiligii Gen. Cadde Muuse waxa uu xilka wareejiyey iyada oo aysan Mushahar qaadan 9 biood, Xiligii Dr Faroole sidaas oo kale ciidamada iyo shaqaaluhuba mushahar ma qaadan 11 bilood ee u danbeysey maamulkiisa oo maamulkan la wareegey deyntaas, laakiin marna ma dhicin in isbaarooyinla dhigtaan, ama ay dhabar-jebiyaan difaaca Puntland u diyaar garoobeyso.

Source: HorseedmMedia