Generaal Galaal:Nimankii Kismaayo U Qaxay Ee Daaroodka Ahaa Markaan La Dagaalamaynay Waxaan Hubka Iyo Rasaasta Kasoo Qaadan Jirnay Hargaysa

Filed under: Important News,Wararka |

Runtii taariikhda in si daacada looga run sheego waa wanaagsantahay Generaal Galaal waa ku mahadsanyahay in uu si saxa taariikhda uga sheekeeyo.

Marar badan baan Puntlandobserver ku daabacnay in aynan fikirka gooni isutaagga Soomaaliland ka marnayn Qabyaalad waayo haddii ay Garoowe degenaan lahaayeen Beesha Isaaq, markaas fikirka gooni isutaagga Somaliland siyaasiinta ay Ethiopia ku maalgaliso ma yeeli lahaayeen, jawaabtu waa cadahay waana maya oo way diidi lahaayeen.

Laakiin hadda Ethiopia ayaa ka dhaadhicisay fikirka ah in Siyaasiyiinta beesha Isaaq lagu maalgalinayo in ay Soomaalina kala gooyaan, lana go’aan deegaanada beesha Daarood qayb ka mida.

Runtii fikirkaas wuxuu rumoobi lahaa haddii 1960 deegaanada Gobalada waqooyi laga taagi lahaa Calan Somaliland, oo markaas ay dhisanlaheen dawlad madaxbanaan.

Hase yeeshee Soomaali oo wada jira ayaa hal calan iyo hal qaran Samaystay 1960,waxaana arrinkaas ka masayray Ethiopia oo geed dheer iyo midgaaban u fuushay in ay midnimadaas kala dhantaasho.

Waxaana uu dhibku ka yimid markii Qarankii ay umaddu isku darsadeen ay siyaasiin Soomaali ah oo iimaanka la ay isa siiyeen wixii umadda Soomaaliyeed ka dhexeeyay, oo ay markaas koox isa siisay Qarankii Soomaali wada lahayd isla markaasna si ay meesha usii joogaan nidaamki dawladda qabyaaladeeyay.

Marka cadaalad daro lagu maamulo nidaamkii dawladeed ee dadka ka dhexeeyay , waxaa ka faa-iidaysta cid kasta oo neceb wada jirka Soomaalida.

Waa marka ay qabyaaladdu imanayso oo siyaasiyiinta diidan musuqmaasuqa ayaa raadsanaya taageero ay waydiisanayan qabiilka.
Dhanka kale waxaa ka faa-iidaysanaya Ethiopia oo midnimada Soomaalida neceb oo soo maalgalinaya dhamaan siyaasiyiinta wax tabanaysa.

Waxay siyaasiyiinta Soomaalidu marna garan waayeen in ay ka qabtaan umadda kuwa musuqmaasuqa wada, halkii ay umadaan dib ugu celin lahaayeen qabyaalad iyo wax kasii xun.

Akhirkii daawo Galaal oo sheegay in dagaaladii qabiliga ee ka dhacay inta u dhaxaysa Kismaayo iyo muqdisho ay Hawiye iyo Isaaq iska kaashadeen sidii Daarood Kismaayo iyo Muqdisho looga saari lahaa Galaal oo xukumay Ciidamadii hawiyaha ee Koonfur uu Hargaysa Hubka iyo Rasaasta kasoo dal dali jiray.

Iyadoo xaal sidaas ahaa ayay siyaasiyiinta beesha Isaaq hadana ku doodayaan waxaan xoog kula go’aynaa deegaanada Daaroodka Soomaalina waa kala goynaynaa waxaana nagu kaalmaynaya walaalaheen Ethiopia iyo Xulafadooda.

Arrinka kale ee Galaal qarxiayay waa arrinka Cigaal oo doonayay in uu ka shaqeeyo midnimada Soomaaliya oo marka hore heshiisiiyo beelaha Hawiye, kadibna Daarood iyo Hawiye Kadibna Soomaaliwayn u gudbo oo markaas Degmada Shiikh uga dhisay Teendho wayn oo uu ugu talagalay Dib u Heshiisiinta.

Waxaase durba looga yeeray Washington ama maraykanka, oo arrinkaas isaga ah lagu burbiriyay iyadoo loosoo maray siyaasiin kasoo jeeda beesha isaaq.

Laakiin runtii farwayn baa ku godan doorka washington ee kala dhantaalida midnimada Soomaaliya, waxaana ay dad badan aaminsanyihiin in Ethiopia laga maamulo Maraykanka, oo aynan Ethiopia ku dhaqaaqi karin wax aanu maraykanku raali ka ahayn.

Galaal ayaa sheegay in markaas kadib arrinkii Jabuuti loo wareejiyay, oo uu waliba ismaaciil cumar geele arrinkaas fasax uga soo qaatay washinton.

Waxaan maqlaynay odayaal reer Gaalkacyooda oo leh, sababta ay maraykan iyo Caydiid isku dagaaleen waxaa u sabab ahaa markii caydiid qaatay nabaddii Gaalkacyo oo ay washinton arrinkaas ka carootay

4 Responses to Generaal Galaal:Nimankii Kismaayo U Qaxay Ee Daaroodka Ahaa Markaan La Dagaalamaynay Waxaan Hubka Iyo Rasaasta Kasoo Qaadan Jirnay Hargaysa

  1. Pingback: Generaal Galaal:Nimankii Kismaayo U Qaxay Ee Daaroodka Ahaa Markaan La Dagaalamaynay Waxaan Hubka Iyo Rasaasta Kasoo Qaadan Jirnay Hargaysa - Daily Somalia Report