Godoomiyaha Gobalka Mudug oo Ka Hadlay Dilkii Marxuun Cabdulaahi Maxamed Faarax Tabotaabo: Waxaa lagu dilay Warshada Baastada Xaafadda Garsoor (dhegeyso)

Filed under: Wararka |

Kooxo hubaysan ayaa markii salaadda taraawiixda caawa la tukaday magaalada gaalkacyo ku dilay Isuduwaha wasaaradda Qorshaynta ee Gobalka Mudug Marxuun Cabdulaahi Maxamed Faarax Tabotaabo.

Gudoomiyaha Gobalka Mudug oo Radio Daljir la hadlay ayaa sheegay in nimanka dilay Agaasimaha ay ahayeen laba nin kuna hubaysnaayeen Bastoolado.

Waxaa lagu dilay warshada baastada agagaarkeeda xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.
Aagga marxuumka lagu dilay waa meel waxyar un u jirta xaafadda baraxlay ee maamulka Galmudug, 99% dadka Gaalkacyo wax ku laaya ayaa gala xaafadda baraxlay, waxayna inta badan wax ku dilaan xaafadaha Israac iyo Garsoor, waxayna u baxsadaan xaafadda Baraxlay.

Dhegeyso hadalka Gudoomiyaha

One Response to Godoomiyaha Gobalka Mudug oo Ka Hadlay Dilkii Marxuun Cabdulaahi Maxamed Faarax Tabotaabo: Waxaa lagu dilay Warshada Baastada Xaafadda Garsoor (dhegeyso)

  1. Pingback: Godoomiyaha Gobalka Mudug oo Ka Hadlay Dilkii Marxuun Cabdulaahi Maxamed Faarax Tabotaabo: Waxaa lagu dilay Warshada Baastada Xaafadda Garsoor (dhegeyso) - Daily Somalia Report