Golaha 1960 Oo Bilaabay Doodo Looga Hadlayo Maxay Tahay Dawladnimo (Dhegeysi iyo falanqayn kooban)

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Dadka indheergaradkaa ee Soomaalidaa ayaa isku raacay in mushkiladda ugu wayn ee Soomaalida haysataa ay tahay Aqoon dari ku wajahan aqoon dari dhanka maaraynta Dawladnimada, waxaanad arkaysaa qof aan wax khibrad ama aqoon maadi aan u lahayn nidaamka dawladnimo balse u arka in nidaamka Dawladeed loo maamuli karo sida isaga arragtidiisa ah.

Dalalka Horumaray ayaa u sameeyay Iskuulo Waxbarasho oo qofwalba muddo sanooyin farabadan lagu soo baro qaybta uu ka shaqayn doono mustaqbalka isagoo shaqada lagu siiyo shahaada uu haysto, waxaana arrimaha shaqada ee wasaaradaha dawladda kala wada agaasime Guud ee Wasaaradda iyo Agaasime waaxeedyo aqoon u lah, halka wasiirku uu yahay siyaasiga wasaaradda —> akhri maqaalkan Agaasimyaasha Wasaaradaha qaabka loo Magacaabo Dalalka Dimoqraadiyaddu ka jirto (Xog Muhima Fadlan Akhri oo ka tala keen)

Waxaa kaloo ay dalalka horumaray waxwalba ku maareeyaa mashaariic loo asteeyay miisaaniyad, oo dadka waxaa lagu maareeyaa dhanka dakhliga oo waxa asalkaa ee dalka lagu xukumo waa siyaasad lacag lagu maareeyay, oo waxaa dalka lagu maamulaa maaliyad siyaasadaysan oo ruuxii lagu shaqaynayo maaliyad baa lagu maamulaa, ruuxii la bahdilayo maaliyadda ayaa ama laga yareeyaa ama laga gooyaa, iyadoo maaliyadda musuq maasuuqa laga illaalinayo.

HADABA DHEGEYSO DOOD LA DHEXDHEGAY AQOONYAHANO SOOMAALIYA OO LAGU FALANQAYNAYO MAXAY TAHAY DAWLADNIMO

One Response to Golaha 1960 Oo Bilaabay Doodo Looga Hadlayo Maxay Tahay Dawladnimo (Dhegeysi iyo falanqayn kooban)

  1. Pingback: Golaha 1960 Oo Bilaabay Doodo Looga Hadlayo Maxay Tahay Dawladnimo (Dhegeysi iyo falanqayn kooban) - Daily Somalia Report