Golaha Xukuumadda oo si aan Sharci Dastuuriya ahay isaga magacaabay Xeer Illaaliyihii Guud ee DFS iyo Warbixno muuqaal maqal iyo qoraalo Dastuuriya leh oo aan idiinsoo diyaarinay

Filed under: Wararka |

Waxaa maalintii shalay shirkii Golaha Xukuumadda ee Khamiislaha ahaa lagu magcaabay Xeer illaaliyaha guud ee dalka iyadoo isla markaana xukunka laga qaadayo Xeer illaaliyihii hore.

Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Dastuurka, Faarax Sheekh C/qaadir ayaa u soo gudbiyay golaha wasiirrada in xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka si rasmi ah loogu magacaabo, Axmed Cali Daahir, sidoo kalena wuxuu warbixin ka siiyay golaha wasiirrada wasbixin hay’adaha garsoorka oo uu sheegay in loo baahan yahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo

hadaba arrinkaan ayaa dad baddan is waydiinayaan sida ay Sharci u tahay, waxaanad moodaa hada in Golaha Xukuumaddu aynanba sifiican usoo akhrin qodobada Dastuurka isla markaana aynanba fahansanayn kala madaxbanaanida hay-adaha Dawladda

dastuurkasoomaaliya

Halkaana ka dhagayso Gudoomiyaha maxkamdda sare.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ilka Xanaf oo diiday Magacaabistii Xubnaha Maxkamadda Dastuurka ay Magacaabeen Golaha Xukuumaddu ay ansixiyeen Golaha Sharcidajintu (Dhageyso)


hadaba hoos ka eeg muxuu hadda kahor ka yiri Xeer illaaliaha Qaranka kala Madaxbanaanida hay’adaha Dawladda

Halkaan ka akhri Dastuurka DFS ee kumeel gaarkaa

Bal inyar aan ka eegno waxyaalaha Dastuurka ku qoran cidda magcabaaysa Xubnaha garsoorka, sida Xeer illaaliyaha Guud.

Qodobka 105aad. Awoodda Garsoorka Jamhuuriyadda Federaalka
(1) Awoodda Garsoorka waxaa u xil saaran Maxkamadaha.
(2) Qaab dhismeedka garsoorka waxaa xeer ah kasoo saaraya Baarlamaanka.

Qodobka 109A Golaha Adeegga Garsoorka
(1) (1). Dastuurkani wuxuu asaasayaa Golaha Adeegga Garsoorka.
(2) (2). Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu ka koobnaanayaa sagaal xubnood, oo kala ah sida
soo socota:
(a) Garsooraha Sare ee Maxkamadda Dastuurka;
(b) Garsooraha Sare ee Maxkamadda Sare
(c) Garyaqaanka Guud

Guddiga Dib-u-habeynta Qabyoqoraalka Dastuurka
45 (d) Laba Garyaqaan oo sare oo ka tirsan garyaqaanadda Soomaaliyeed, oo mid
walba xilli afar sanno ah ururka garyaqaanadda ay magacaabeen.
(e) Qofka Guddoomiyaha ka ah Guddiga Xuquuqul Insaanka; iyo
(f) Saddex qof oo xushmad sare ku dhex leh bulshada rayidka ah oo uu soo jeediyay
Golaha Wasiiradu ka dibna uu u magacaabay madaxweynuhu xilli afar
sannadood ah.
(3) Xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorku waxay dhexdooda ka dooranayaan qof u noqda
Guddoomiyaha Golaha Adeegga Garsoorka.
(4) Xubinta Golaha Adeegga Garsoorku waxay xilka hayn kartaa hal xilli oo shan sannadood ah,
oola cusbooneysiin karo mar keliya.
(5) Wixii Sharci ama qanuun ay sameystaan Golaha Adeegga Garsoorku), oo khuseeya anshax
marinta Garsoorayaasha heer Federaal, wuxuu sharcigaasi sidoo kale qabanayaa xubinta
Golaha Adeegga Garsoorka.
(6) Sida sharciga ama xeerkuba dhigayo Golaha Adeegga Garsoorku waa in uu:
(a) Magcaabaa, anshax mariyaa isla markaana beddelaa xubnaha garsoorka ee
Federaalka;
(b) Go’aamiyaa mushaharka iyo lacagta hawlgabka ee garsoorayaashaa;
(c) Dejiyaa shuruudaha shaqo ee garsoorkaa.

Qodobka 109B. Asaaska Maxkamadda Dastuurka
(1) Dastuurkani wuxuu aasaasayaa Maxkamadda Dastuurka oo ka kooban shan garsoore oo uu
ku jiro Garsooraha Sare iyo ku xigeenka Garsooraha Sare.
(2) Golaha Adeegga Garsoorku , waa in uu u magacaabaa Garsoore Maxkamadda Dastuurka qof
daacadnimo sare leh oo keliya, isla markaana si rasmi ah u bartay sharciga iyo Shareecada,
khaas ahaanna ku xeel dheer sharciga dastuurka.
(3) Golaha Adeegga Garsoorku waa in uu u soo jeediyaa Golaha Shacabka qofka noqonaya
Garsoore Maxkamadda Dastuurka.
(4) Haddii Golaha Shacbigu ansixiyo magacii la soo jeediyay iyadoo la raacayo faqradda- (3) ee
Qodobkan, Madaxweynuhu waa in uu u magacaabaa qofkaa Garsoore Maxkamadda
Dastuurka.
(5) Dhexdooda, garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurku waxay ka dooranayaan Garsooraha
Sare iyo ku xigeenka Garsooraha Sare

Warbaahinta puntlandobserver ayaa isku mashquulisa arrimaha Dastuurka ee Xeer ku dhaqanka, iyo Fanka iyo Suugaanta Soomaalida arrimaha la xiriira.

Puntlandobserver@gmail.com