Goobta illaahay uu ka dhigay deegaanka Puntland ayaa ah Goob aad iyo aad u ah Strategic oo haddii laga faa-iidaysan lahaa laga samaynlahaa malaayiin Doolar bill walba

Filed under: Important News,Wararka |

marlabaad akhri maqaal aan ku daabacnay P/O 3 sano ka hor.
Maxaad kala socotaa Istaraajiyadda ay Puntland Dekadaheedu yeelan karaan haddii laga faa-iidaysto

puntland-Somaliland-khaatumo

Goobta illaahay uu ka dhigay deegaanka Puntland ayaa ah Goob aad iyo aad u ah Strategic oo haddii laga faa-iidaysan lahaa laga samaynlahaa malaayiin Doolar bill walba.

Inta badan Markaaiibta isticmaala Badda Cas iyo kuwa isticmaala Badwaynta Hindiya (Indian Ocean) ayaa haddii Dekad wayn Puntland laga hirgalin lahaa, Dekadaas waxay noqonlahayd goob Maraakiibtu ay Konteenarada ku kala badashaan, Maraakiibtu ku nastaan, Dhigtaan wixii rara ama xamuul ah si hadhow lowgu wareejiyo Maraakiibtii kale ee dhanka kale usii qaadilahaa, goob ay maraakiibtu ka qaataan sahaydii ay u baahnaayeen sida tamarta.

Goobtaas waxaa ka dhalankara suuq aad u way oo ah (Hub) ama xarun Maraakiibta waawayn ee aduunka ukala gooshaya kuwa maraya marinka Badda Cas (Wixii maraakiib maraysa badda Cas) iyo kuwa maraya Badwaynta intia oo usocda illaa China Illaa Hindiya, Illaa America iyo Africa.

Istaraajiyadaas illaahay ku manaystay Puntland haddii laga faa-iidaysanayo,waxay suuragalin lahayd in laga sameeyo Dhaqaale aad u baaxad wayn oo Puntlandka daboolilahaa baahiyo aad u fara baddan, waxaana aad moodaa in ay hadda Madaxda Puntland arrinkaas muhiimaddadiisa fahmeen isla markaasna ay wadaan hawlihii lagu hirgallin lahaa Dekad baaxad wayn oo hanankarta dhamaan adeegyada ay u baahanyihiin maraakiibta isaga gooshaysa Dunida Dacaladeeda ee mara marinka Bada cas iyo marinka badwaynta Hindiya oo marka danbe Puntland ku kulma.

Waxaa kaloo ka dhallankara Ganacsi Dalxiisayaal oo isna malaayiin Doolar laga samayn lahaa haddii laheli lahaa dadkii garanlahaa caqligaas oo ka shaqayn lahaa nabadgalya waarta oo la isku hallayn karo oo Puntland laga hirgaliyo.

Bil xaqiiqan haddii labadaan arrimood oo kaliya xoogga lasaari lahaa shacabkana wacyigallin baaxad wayn loo samayn lahaa si ay u illaashaan nabad galyada Puntland, labadaan Mashruuc oo kaliya ayaa waxaa kuhoos noolaan lahaa illaa 3 Million oo ruux, waa haddii la halli lahaa dad garashadeedii leh, oo aan cidna uga gabban sidii nabad galyo waarta oo ka islaaxda Puntland looga wada shaqayn lahaa, ruuxii ay ku cadaato in uu Nabadgalyada Puntland waxyeeleeyo banaanka lagu toogto ama Xabsi aanu kasoo waaqsan lala beegsado, calashaan in aan Dawladda kaliya lagu dayn kashaqaynta nabadgalyada Puntland ee ruux kastaa qaybtiisa ka qaato, soo sheego ciddii uu wax yar kashakiyo in ay nabadgalyada hallis ku noqonkaraan, ama ruuxa qudhiisu gacantiisa ula tago, waayo ruuxii Puntland ruux ku dhexdila ama wax ku yeeleeya waa ruux Puntland oo dhan nabadgalyadeedii hallis galiyay ee ma ahan ruux hal ruux oo qura nabad galyadiisa waxyeeleeyay

Kala soco fikrado suuban shabakadda Puntlandobserver
Puntlandobserver@gmail.com

ka qaybqaado wacyigallinta ay wado shabakadda Puntlandobserver.com ee iskaa wax u qabso lagu soo waday mudada dheer.

3 Responses to Goobta illaahay uu ka dhigay deegaanka Puntland ayaa ah Goob aad iyo aad u ah Strategic oo haddii laga faa-iidaysan lahaa laga samaynlahaa malaayiin Doolar bill walba

  1. Pingback: Goobta illaahay uu ka dhigay deegaanka Puntland ayaa ah Goob aad iyo aad u ah Strategic oo haddii laga faa-iidaysan lahaa laga samaynlahaa malaayiin Doolar bill walba - Daily Somalia Report