Goodirkii Xanuunsanaa

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Wararka |

The Sick Stag

Goodirkii Xanuunsanaa

Goodir xanuunsaa ayaa kob gees ah oo dhulkiisii daaqsinta ahaa jiifey. Tiro badan oo saaxiibbadiisa ahaa baa hadba soo booqda oo ka waraysta xaaladdiisa caafimaadka halka ay marayso. Hase ahaatee, kii kol soo booqdaba wuxuu isugu roonaadaa in uu bukaanka ka cuno cuntadii ag tiilley. Sidaas darteed, Goodirkii waa dhintey. Uma dhimannin cudurkii hayay, wuxuuse u dhintey in wax uu cuno waayo.

Saaxiibbada laqdabooyinka badan luggooyo mooyee liibaan ma lahan

AESOP