GUDDIGA ILAALINTA DEEGAANKA IYO DUURJOOGTA DEGMADA BAARGAAL OO SOO INDH INDHEEYAY DEEGAANO AY KA JIRAAN ABAARO IYO BIYO LA”AAN

Filed under: Wararka |

Iyadoo Xilligan Deegaanada Puntland ay ka jirto Abaar ba’an oo
galaafatay Nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaano badan oo ka
tirsan Gobolada Puntland ayaa waxaa sii kordhaaya saamaynta xun ee ay
Reebayso Abaartu waxaana intaas dheer Xaalufka Ba’an ee lagu hayo
dhirta iyo duurjoogta

Guddiga ilaalada Deegaanka Daaqa Dalxiiska iyo Duurjoogta Degmada
Baargaal ayaa kormeer shaqo ku maray deegano badan oo ay horay uga
sameeyeen wacyigalin si ay u soo ogaadaan wixii iska badalay
xaaladihii ay horay ugu soo arkeen deegaanadaas iyo inay
bulshooyinkaasi si fiican u fahmaan dhibaatooyinka ay leedahay jarida
dhirta iyo laynta ugaarta iyo sidoo kale sidii ay u soo indha
indheeyaan abaaraha ba’an ee laga soo sheegaayo Deegaanadaas ayagoo
booqday deeganada waadikhar, taageer, abdeexaan, cabayaro, xeela
qorolaha, Coomaayo , xinka, cuur, magagax, gondoli, qoryooley, warwar,
godcad salaaximo cadwo jacayl iyo deegaano kale oo badan.

Cawil Maxamed Maxamuud oo kamid ah guddiga ilaalinta deegaanka iyo
duurjoogta oo ka warbixiyay safarkooda ayaa sheegay inay soo arkeen
abaaro iyo biyo la’aan ka jirta guud ahaan Gobolka Gardafuu , gaar
ahaan degmada Baargaal oo ay ayagu indhahooda ku soo arkeen

Cawil Maxamed Maxamuud ayaa intaasi ku sii daray inay soo arkeen reer
guuraaga oo gaadiid ku soo daabulaya xoolo oo ay meesha ay u soo
wadaan aysan dhaamin taas oo gobolka oo horay abaar u ahaa uu soo
dulkoray culays kale iyo xoolo abaaro ba’an ay haleeleen oo aan waxba
isdhaamin asagoo ku baaqay in gurmad degdeg ah loo sameeyo.

Gudoomiyaha Guddiga ilaalada Deegaanka Daaqa Dalxiiska iyo Duurjoogta
Degmada Baargaal Axmed salad c/raxmaan oo isna ka hadlay safarkooda
ayaa sheegay inay soo arkeen abaar ba’an oo ka jirta meelhii ay
socdaalka ku tageen ayagoo indhahooda ku arkay xoolo badan oo
dhintayoo ay reer guuraaga baabuurta oo soconaysa ka daadinaayeen
wuxuuna ku
daray in dadkii horay dhirta u jari jiray qayb kamid ah ay
iskhadhaafeen oo la fahmeen guddiga inta ay leegtahay dhibaatada
jarida dhirta iyo laynta ugaarta ay deegaanka u leedahay
dsc02070

dsc02078

dsc02080

dsc02081

dsc02102

dsc02105

dsc02115

dsc02116

dsc02126

One Response to GUDDIGA ILAALINTA DEEGAANKA IYO DUURJOOGTA DEGMADA BAARGAAL OO SOO INDH INDHEEYAY DEEGAANO AY KA JIRAAN ABAARO IYO BIYO LA”AAN

  1. Pingback: GUDDIGA ILAALINTA DEEGAANKA IYO DUURJOOGTA DEGMADA BAARGAAL OO SOO INDH INDHEEYAY DEEGAANO AY KA JIRAAN ABAARO IYO BIYO LA”AAN - Daily Somalia Report