Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. jawaari oo ku wajahan Galgaduud

Filed under: Wararka |

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa Saacadaha soo aadan Booqasho ku tagi doona Magaalada Dhuusomareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Dhuusomareeb C/llaahi Macalin Axmed ayaa Warbaahinta u sheegay in Ujeedka Socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka uu yahay sidii uu u Kor meeri lahaa qaabka uu u soconayo Shirka Dib u heshiisiinta ee ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb oo uu ka soconayo Shirka Dib u heshiisiinta ayaa ayaa waxaa horay Booqasho ugu tagay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.