Guddoomiye Baashe Ali Khaliif Adeerki:17 kun oo bahararsame ayaa isdiwaangalisay, Boqortooyaa Lagu Ammaanay Bahararsame Iyo Qormo aan 2013 arrinkaas ka daabacnay

Filed under: Important News,Wararka |

Cali Khaliif iyo Garaad Jaamac iyo Waxgaradka Beesha bah hararsame hadaynan Soomaaliland hoosta wax iskala ogayn maxay wiilashoodda uga dhaadhicin waayeen Fikirka sidii Laascaanood loo xoraynlahaa

Sanadkii 2013-kii ayaan ku daabacnay maqaal aan kaga hadlayno khiyaamadii uu Cali Khaliif ku khiyaamay beesha Dhulbahante.

Waxaan sanadkii 2013-kii ku daabacnay P/O in ay Cali Khaliif iyo Garaad Jaamac Beesha Dhulbahante u been guurayeen balse ay hoos ka ogaayeen in Laascaanood la raaciyo Somaliland.

Qofka inyar oo caqliya leh waa in uu akhrinkaraa qofkasta.

Si aad u akhriso siyaasiga ha dhegeysan kaliya erayo khiyaameed afka laga yiraahdo, ee waxaa la eeggaa ficilada siyaasiga, waligaa waqti la iskagama dhumiyo hadallo khiyaameed makarafoon laga akhriyo.

Hadaba 2013 cabirkii aan cabirnay Cali Khaliif iyo shaqada uu hayay, ayaa maanta sax noqday, waxayna cadaynaysaa in aan marwalhba runta un sheegno, ninkii dhibsanaya isagay u taal.