Gudiga Abaaraha Puntland ee Culumada ayaa Biyo dhaamis Gaarsiiyay Degmada Jariiban

Filed under: Wararka |

Waxaa Degmada Jariiban soo gaaray Gudiga abaaraha puntland ee culumada iyaga oo gaarsiiyay biyo dhaamis 130 booyadood,
40 booyadood ayey u dhiibeen Gudiga abaaraha ee degmada kuwaas oo laga dhaamiyay magaalada jariiban oo la gaarsiiyay aagaga u dhow ee abaaruhu aad u saameeyeen sida Magaqurun,Laanfardood,Cadaley, Buurta ciida leh,Xirmo kowte,Naanaa, Booc,Balag,Farcasuuro,Nuurada iyo kuwa kale,
90 ka booyadood oo kalena ay gaarsiin doonaan Deegaamada kale oo degmada hoos yimaada
waxaa xafladii biyahaa lagu soo bandhigay oo ka hadlay Gudoomiyaha degmada Jariiban Axmed Yuusuf shirwac oo uga mahadceliyay gudiga biyaha ay soo gaarsiiyeen,isaga oo ka codsaday Gudiga, qurbajoogta iyo dhamaan cida wax ka gaysan karta in degmada jariiban ay khatar u tahay in dadku biyo iyo gaajaba u dhintaan,sadexdii sano oo ugu danbaysay oo deegaanka wax roob ah aan laga helin,meelkasta xooluhu yaalaan oo hadda dadka loo cabsanayo, in gurmad deg deg ah la soo gaarsiiyo,
Gudiguna waxay balan qaadeen in ay la socon doonaan Deegaankan oo xaalada khatar ah ay ku arkeen,
abaaraha jariiban3

abaaraha jariiban

abaaraha jariiban2

abaaraha jariiban4

One Response to Gudiga Abaaraha Puntland ee Culumada ayaa Biyo dhaamis Gaarsiiyay Degmada Jariiban

  1. Pingback: Gudiga Abaaraha Puntland ee Culumada ayaa Biyo dhaamis Gaarsiiyay Degmada Jariiban - Daily Somalia Report