Gudigii Doorashooyinka kooxda DamJadiid oo Gudoomiye u doortay Xaliimo YareY Fadeexaddii abid ugu waynayd (Falanqayn)

Filed under: Important News,Wararka |

xaliimo yarey
Kooxda Damjadiid oo hadda shacabkii Soomaaliyeed inqilaabka ku qabsaday ayaa fashilmay hadda waana ay wanaagsanayd in ay shacabka si fiican isku tusaan oo ay iyagu Tooshka isku daaraan inta aan lagu daarin.

Halkaan ka akhri Magacyada iyo beelaha gudiga doorashooyinka qaranka ee 2016 iyo sida loo kala keensaday

Kooxda Damjadiid ayaa 2012-dii markii Baarlamaanka Soomaaliya lasoo xulayay kharashaad ku bixiyay dadka lasoo xulayo iyagoo gacmo shisheeye dhaqaale culus ka helay waxayna ku guulaysteen 2012-dii in ay Gudiga Soo xulista Xildhibaanda Gudoomiye uga dhigaan Xaliima yarey oo aynan shacabka Soomaaliyeed wax aqoona xiligaas u lahayn kooxda Damjadiid iyo Xaliima yarey toona, laakiin war dhaaxaaba cakaaruu iman.

Kooxda Damjadiid ayaa hadana marlabaad ku guulaystay in ay Gudoomiye ugu dhigaan Gudiga farsamada iyo soo xulitaanka Xildhibaanda Galmudug ee 2015.

Labada Baarlamaan Galmudug iyo DFS ee ay Xaliimo yarey Soo xushay ayaa caqabad aan dhib yareyn ku noqday Qaran Soomaaliyeed waxaana laga wada dharagsanyahay dhibaatada ay shacabkii Soomaaliyeed u gaysteen Baarlamaankii Xaliimo yaray ay soo xushay ee Galmudug oo sidii Ciyaalka Toyga (Qalabka caruurtu ku ciyaaraan) isku qabsada marka uu garaadkoodu aadka u yaryahay Puntland deegaanadii ay waligood deganaayeen Dastuurkooda ku qortay, waana caqli aan aduunka horay looga arag in adiga oo aan dhul aanad qori ku qabsan aad hadana Xaashi cad isaga qorato oo waliba ay dadkii aqlabiyadoodii isku raacaan waxay noqotay waxa aan la illoobi doonin taariikhda, waliba Madaxwaynihii qaranaka fikirkaasi asalkiisii ka yimi.

Sidoo kale Baarlaaamnaka FDS ee ay Xaliima yarey noo soo xushay ayaa noqday Baarlamaankii abid ugu caqliga liitay, waana Baarlamaanka laba sano Gudahood 3 Raysalwasaare iyo 4 Gole wasiir Ansixiyay.

Halkaan ka akhri CV-ga Xaliima Yarey.
Guddoomiyaha Guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud
Guddoomiyaha Midowga ururada bulshada ee Soomaaliya
Lagudoomiyaha guddiga xulista iyo Farsamada ee xulista iyo barista xubnahii ergada ansixiyay xubnihii Baarlamaanka.
Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) waxaa ay baratay cilmiga beeraha, iyadoo shahaadooyin ka qaadatay Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacad ku taalo dalka Talyaaniga.

Shahaado Jaamacadeed, waxaa ay ka qalin jabisay Jaamacadda umadda Soomaaliyeed, afar sano ayey baratay cilmiga beeraha, iyadoo ka baxday Jaamacadda 1981-dii.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) Shahaadada Master-ka waxaa ay ka heystaa Jaamacadda Turino ee dalka Talyaaniga, iyadoo ku taqasustay Dhaqaalaha Beeraha, gaar ahaan reer miyiga, waxaa ay ka qalin jabisay 1984-tii.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) Waxaa kaloo ay shahaadooyin ka heysataa Horumarinta bulshada, tababaro dadka soo galootiga ah iyo kwa laga tirade badan yahay iyo shahaada Computer-ka.

Xagga shaqada:

Xaliimo Yarey, Waxaa ay aheyd guddoomiyaha xulitaanka iyo farsamada ee lagu soo dhisay maamulka Galmudug August-June 2015.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) waxaa ay La guddoomiye u noqotay guddiga xulitaanka iyo farsamada ee lagu dhisay Baarlamaanka qaranka Federaalka Soomaaliya June-August 2012-kii.

Xaliimo waxaa ay noqotay Isku duwo goboleedka ee hay’adda CISP.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) waxay aheyd Xiriiriyaha bulshada ee xafiiska qoyska iyo caruurta ee gobolka Miniblis-Minisota 2000-2007

Waxaa kaloo ay u qeybsane, Maamule iyo Sarkaal ka noqotay mashaariic iyo hay’ado waaweyn oo dalka ka shaqeynayey muddo dheer.

Waxay ku hadashaa Luqadaha Soomaaliga, Talyaaniga iyo Ingiriiska.

July 27, 2015: Waxaa loo doortay Guddoomiyaha guddiga Madax-banaan ee doorashooyinka Qaranka.

One Response to Gudigii Doorashooyinka kooxda DamJadiid oo Gudoomiye u doortay Xaliimo YareY Fadeexaddii abid ugu waynayd (Falanqayn)

  1. Pingback: Xaliimo Yarey Ma U Qalantay In Loo Doorto Gudoomiyihii Doorashayoonika Qaranka 2012 iyo 2016, Daawo Waraysigan | Puntland Observer