Gudoomiha Baarlamaanka Puntland yaa loo badinayaa in uu maanta ku guulaysto(Yaase laaluush qaatay)

Filed under: Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Marka laga hadlayo dimoqraadiyad micnaheedu waa bulshada waxaa maamula sharci iyo xeer ee shakhsi iyo koox kaligi talis ah waaba waxa looga samaystay nidaam dimoqraadiyadeed.

Hadaba xeerarkaas dalka lagu maamulayo waxaa dajiya oo qodabeeya Golaha sharci dajinta inkastoo ay wasaaraduhu shaqada qabtaan hadana waxaa saxa oo wixiii qalada ka saara wakiilada Golaha sharci dajinta, dhanka kale Wakiiladu iyagaa Madaxa kuxuumada doorta, xilkana ka qaadi kara.

Hadaba haddii ay wakiilada Golaha sharci dajintu ay sidaas muhiim u yihiin, maanta Puntland ama Deegaanada kale ee Soomaalidu degtaa ma haystaan Wakiiladii asalka ahaa ee Masuuliyadaas qaadi lahaa, mise waxaa jooga niman meesha jeebkooda iyo hungurigooda iyo danahooda gaarkaa u jooga, mase jiraan wax nidaama oo lagula xisaabtamo oo xukun ku ridi wakiilkii lagu qabto isagoo laaluush qaadanaya.

Bil Xaqiiqiyan dhamaan deegaada Soomaalidu ay degto ee wakiilada sharci dajinta ay ka hawl gallaan dhamaantood waxay ku shaqeeyaan lacag waxayna fuliyaan ama dhagaystaan ciddii jeebka u buuxisa, sidaas la ajligeed ayaynan habboonayn in Natiija iyo xal mira dhala laga sugaa ama laga naxo ama lagu farxo hawlaha ay wadaan wakiilada sharci dajinta ee Puntland

Maanta waxaa la dooranayaa Gudoomiha Baarlamaanka ee Puntland waxaynan shacabka Puntland ka warhayn cidii xalay jeebabka u soo buuxisay iyo danaha laga leeyahay iyo cida danaha gaarkaa ka leh.

Inkastoo ay jiraan rag badan oo daacada hadana waxay shacabku rumayn lahaayeen markay qarxiyaan oo taleefon ka duubaan kuwa laaluushka u ballanqaada, oo markaas kuwii laaluushka dhibay iyo kuwa qaatayba tallaabo adag laga qaado, inta aynan taasi dhacayn cidna aamini mayno

Sikastaba ha ahaatee waxaa ugu cad cad ragga tartamaya
Xildhibaan Axmed Cali Xaashi iyo Cabdixakiin Dhooba Daareed ayaa ugu cad cad tartamayaasha