Gudoomihaha Baarlamaanka Galmudug oo loo doortay Cali Galcal Casir

Filed under: Wararka |

Waxaa saakay magaalada cadaado ka dhacay tartam doorasho cidii noqonlahayd Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawlad gobaladeedka galmudug.
Cali Galcal Casir
Xildhibaanada codeeyey oo ahaa 84 mudane oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka 36 kamid ah codadkii la tiriyey ayuu helay C/laahi Maalin Gaafow halka Cali Galcal Casir uu helay 48 cod sidaa waxa uu ku noqon doonaa gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug.

Labada Mudharax ee Tartamayay ayaa ka soo Jeeda Degmada Ceelbuur, waxayna siyaasad ahaan kala taageersanayeen laba Musharax Madaxwayne

Cali Galcal Casir ayaa Taageersan ururka Aala Sheikh iyo Musharax Fiqi, Halka Gaafow uu Taageersanaa ururka Damjadiid iyo Musharax Cabdikariin, waxaana warar isa soo tarayaa ay sheegayaan in lacag aad u farabadan lagu kala iibsaday Xildhibaanadii u codaynayay Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaana uu Khasaara baaxadwayn soo gaaray ururka Damjadiid oo la sheegayo illaa iyo min toban kun oo doolar in ay xildhibaano farabadan u qaybsheen balse looga baxay maadaama aynan doorashadu gacan taag ahayn.

Ma jirinin wax cod ah oo khasaaray intii ay socotay doorashada gudoonka Baarlamaanka maamulka Galmudug.