Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ilka Xanaf oo diiday Magacaabistii Xubnaha Maxkamadda Dastuurka ay Magacaabeen Golaha Xukuumaddu ay ansixiyeen Golaha Sharcidajintu (Dhageyso)

Filed under: Wararka |

Ilka Xanaf oo u waramayay VOA ayaa sheegay sababta ay ku diideen Gudiga Maxkamadda Dastuurka ee Baarlamaanku ansixiyay in ay tahay in aynan xaq u lahayn Golaha Sharcidajinta in ay iyagu xubno ka tirsan Golaha garsoorka magacaabaan, balse taa badalkeedu ay iyaga shaqadoodu tahay sharci dajin calashaan in ay kaliya ansaxiyaan oo jeeg gareeyaan sharciyaddii ay Maxkaddu ku shaqayn lahayd iyo sharciyaddii lagu dhisi lahaa Xubnaha Golaha adeega Garsoorka.

Xubnaha Maxkamadda Dastuurku waa 9 xubnood waxayna ku cadyihiin Dastuurka, 3 Xubnood ayay Golaha Xukuumaddu ku leeyihiin, waxayna ahayd in ay iyagu ku ekaadaan 3-daas xubnood, wasiirka Cadaaladdu in uu wax soo xulo meelna Dastuurka ugama qorna.

Golaha wasiiradu 3 xubnood bay ku leeyihiin.
6-da xubnood ee kale waa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Gudoomiha Maxkamadda Dastuuriga, Gudoomiyaha Xuquuqul insaanka Xeer Illaalyaha Guud, laba xubnood oo ka dirsan ururka Qareenadda oo ay iyagu soo xulanayaan, iyo 3 xubnood oo ay Golaha Xukuumaddu soo magacaabayaan.

Hoos ka dhageyso waraysiga Gudoomiyaha oo dhamaystiran.
[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2014/07/ilka-Xanaf.mp3]

Ama Moobiilkaaga ka dhageyso