Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Jariiban Kaarshe: Nabadda Mudug Dadka Xoolo Dhaqatada Ah Bay Ka Dhaxaysaa ee Nimanka Gaalkacyo Xabadka Isku Saaray Kama Go’do

Filed under: Important News,Wararka |

Gudoomiye kuxigeenka Degmada Jariiban Axmed Nuur Kaarshe oo la hadlay Radio Daljir ayaa sheegay in nimanka heshiiska Gaalkacyo ku galay aynan kaba warhayn dhibka dhexyaal dadka reer miyigaa, kamana warqaaan waxa dhexyaal dadka reermiygaa iyo xaaladooda.

Maxas iyo xoolaa lakala dhacay meel looga heshiiyayna majiraan.
Nabadda laga raadinayo dadkaan walaahaa ee koonfur iyo waqooyiga mudug degan waxaa xal looga gaarikaraa in geedka hoostiisa lawada fariisiyo, waqti dheer wacyigalin loo sameeyo oo waqti lagaliyo.

Waxay ahayd in hadda laga shiro qaabkii loo heshiin lahaa sida heshiiskii dib u heshiisiinta dMuqdisho ee ma ahayn in qodoba la iska soo saaro iyadoon dadkii waxkala tirsanayay aanba laga qaybgallin heshiiska, maamuladuna kamaba warhayaan xaaladda dadka deegaanka.

Hoos ka dhegeyso isagoo dhamaystiran.