Guulaha waweyn Ramadaanku ka tuugeeynaa) Alloow Nabadgelyo buuxdda,Hab Dowladeed cadaalad,garsoor iyo xaq soorba leh.midnimo cadaalad ah iyo walaalnimo dhab ah-Aamiin,Aamiin,Aamiin.

Filed under: Wararka |

Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda
Codka inta damiirka nool,dareenka wadaniyadeed iyo qiiradda dhabta ah(Somaalimada leh)ku hadleeynaa marka koowaad-Ramadaan Kariim dhammaan
Ummada Somaliyeed gudaha iyo debedaba(Raxmaanku barakadda,kheyrka iyo
guulaha waweyn Ramadaanku ka tuugeeynaa)Alloow Nabadgelyo buuxdda,Hab
Dowladeed cadaalad,garsoor iyo xaq soorba leh.midnimo cadaalad ah iyo
walaalnimo dhab ah-Aamiin,Aamiin,Aamiin.
ururka nabadda
Urur ahaan waxaanu si diiran,danta guud ,masiirka qaran ku saleeysan
ku soo dhoweeyneynaa Qorshsha dib loogu eegayo qaab dhismeedka golaha
Xukuumadda Federaalka Somaliyeed,kadib markii eey soo baxaan Dhaliilo
badan,gaabis,wax qabad la’aan,xilkasnimo darro,karti darro,garasho
xumo ka muuqatay xubo golaha Wasiirada ka tirsan,si cad qabyaalad uGu
xuub-siibteey(Ayaan darro dheh)eeyna haboon tahay in golaha banaanka
laga dhigo shakhsiyaadka dhaqankaas naceeybka,dagaal oognimadda iyo
Ummadda sii kala fogeeynta leh,iyadoo si cad howl-gab u noqdeen kuwa
uGu muhiimsan Golaha Xukuumadda sidda:-
-Wasaaradda Arr.Gudaha iyo Federaalka.
-Wasaaradda Amnigga Qaranka.
-Wasaaradda Garsoorka Iyo Cadaaladda.
-Wasaaradda Gaashaan-dhigga.
-Wsaaaradda Caafimaadka.
astaanta qaranka
-Wasaaradda Waxbarashadda-eyna haboon tahay in dib loo eego Madaxda
Wasaaradahaas laguna bedelo shakhsiyaad damiir nool,darn wadaniyadeed
iyo xil-gudasho leh dalkooda iyo dadkooda sida ku haboon uGu hagar-
bixi karaaya,la jaan-qaadi karaaya hogaaminta toosan,dadaalka badan
iyo qorshaha waxqabadka ku saleeysan ee Xurmadlle-Dr-C/Weli Sh.Max’d
Rasiisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somaaliyeed(aamaan,Bogaadin,
iyo Taageero-ba mudan)halka wasaaradaha kor ku xusan fashil,Maamul
xumo iyo dib u dhac weyn ka muuqdo,waxaan dadaal,wax qabad,horumar
iyo hogaamin wanaagsan-ba muujiyeey Wasiiradda Wasaaradahan:-
-Wasaaradda Arr.Debedda Iyo Iskaashigga Calaamka.
-Wasaarada Gaadiidka Cirka Iyo Dhulka.

-Wasaaradda Qoys iyo Xuquuq Insaanka(amaan iyo bogaadiin),
Isku shaan-dheen saxan maslaxada ummadda iyo ka mirro dhalin looga
jeedo,laguna toosinaayo ama lagu saxaayo wasaaradaha shaqadooda ka
gaabiyeey ama sida cad-ba u gees maray,basle hadafku yuu noqon isku
shaan-dhaan dano gaar ahaaneed,shakhsiyaad xil u raadiin iyo habka
kooxeedka ah lagu xoojinayo ama mid kaleba lagu abuuraayo,xukuumadu
waa tiirarka koowaad ee dib u soo nooleeynta maqaamkii,adeegayadii
iyo howl socodsiinta laamaha dowladeed si weyn Dadweynuhu baahi weyn
uGu qabaan(gaar ahaan amaanka,arr.bulshadda,dhaqaalaha iyo garsoorka)
waana qeybaha ilaa hadda heer maqnaansho camal ah(Ra’iisal Wasaare-
Isku shaan-dhaan wax-qabad soo kordhisa,sida ku haboon kaabayaasha
asaasiga ah loogu taago(tiiraar adag)xilkuna waa amaano.

Uurur ahaan waxaanu ku talineeynaa si tiradda golaha Xukuumadda dib
loo derso hab macquul ah lagu saleeyo(18-20 Wasaaradooda)ka badan
iyadoo lagu dadaalaayo in golaha loo xulo shakhsiyaad daacadnimo,
dareen wadaniyadeed,aqoon sarre iyo sumcad wanaag-ba leh,iyadoo lagu
dadaalaayo xaq soor dhanka saamigga Haweenka iyo dhalinyarada-ba,si
weyn looga taxadirro shakhsiyaadka ku labmay dagaaladda,colaadda iyo
Xiisadaha fidno abuuridda,dadka sii kala fogeeynta iyo tumida durbaan
qabyaaladeedka joogtadda ah,anagoo rajeeyneeynaa in qorshahan cusub
noqdo mid xalaal ka ah(4.5)qaabka xaaraanta ah,ceebta,gunimadda iyo
aragti cunsuriyeedka ku saleeysan,waxaa nala haboon soo celinta Drs-
Maryan Qaasim iyo qaadashadda shakhsiyaadka dhigeeda ah(Masuulka ah
Dalkooda iyo Dadkoodaba sidda daacada ah uGu adeegaaya)Alloow Golle
Toosaan aragti qaranimo leh-aamiiin,aamiin,aamiin.

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-June-30-2014.