Guul:Dhismaha wadada Garowe Iyo Galkacyo oo dhawaan billaabanaysa Mashruucii Jarmalku Ugu Deeqay Somalia

Filed under: Important News,Wararka |

Germany Somalia

Wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garoowe oo ah wado halbawle u ah isku socodka gaadiidka Soomaalida ee isaga goosha waqooyi iyo koonfur.
Wadada ayaa aad u burbursanayd, waxaana uu Madaxwayne Gaas muddo ka dalbanayay beesha caalamka sidii dhaqaale lowgu helilahaa wadadaas dhismahadeeda, aakhirkiina waxaa dhaqaalahaas bixiyay dalka Jarmalka, oo hadana lacag kaasha ku bixiyay mashruuca si ay uga faa-iidaystaan shirkadaha Soomaalida oo ay markaas dhaqaale iyo shaqaale uga hellaan iyo waliba aqoon kororsi.
Garmalka ayaa ah dal waligiis Soomaalida garab taagnaan jiray xiliyadii barisamaadka

Hadaba waxaa mashruuca ku guulaystay shirkadda Isxilqaan.
Madaxwaynaha Puntland C/Wali Gaas ayaa awoodda isugu geeyay taabagallinta kaabayaasha dhaqaalaha oo runtii xukuumadda madaxwayne Gaas ay guullo waawayn ka soo hoysay, inkastoo ay jirraan eedayn dayacaad dhanka maamul wanaagga.
Hoos ka dhegayso warbixinta wasiirka hawlaha guud Cabdirashiid Madaxmed