Guul:Yacquub Maxamed Cabdadalla Oo Xoriyadiisii Hellay kadib Markuu Iibsaday 4 Billood Xarig, Madaxwayne Gaasna U Sheegay In Uu Xamillo Dhaliisha (Daawo)

Filed under: Important News,Wararka |

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobalka Mudug Yacquub Maxamed Cabdalla ayaa muddo 8 casho ah u xirnaa xukuumadda Madaxwayne Gaas kadib markii uu dhaliilay hanaanka uu Madaxwayne Gaas ugu sameeyay isbadalka Gobalka Mudug iyo kala diristii Golaha deegaanka ee Gaalkacyo oo uu Yacquub Gudoomiye ku xigeen ka ahaa.

Hadaba waxaa sharaf iyo wax lagu farxo ah in Golaha Garsoorka ee Puntland uu muujiyay in uu yahay Gole ka madax banaan xukuumadda isla markaana xukunkiisa u gutay si dhexdhexaada.

Waxaana ay bulsahda puntland ay ay ku faraxsanyihiin sida uu sharcigu uga shaqeeyay Puntland iyo sida uu xoriyadiisa u hellay mudane yacquub isagoon cidna u daba fariisan balse u maray hannaanka sharciga.

Waa arrin ay bulsahda reer Puntland aad ugu riyaaqeen !Guul Guul Guul”

Kala dirista Golaha deegaanka iyo isbadalka maamulka Gobalka Mudug lagu sameeyay ayaa wararka p/O soogaaray ay sheegayaan in ay ka timid waxgaradka Gobalka mudug oo madaxwaynaha ka codsaday in uu isbadalkaas sameeyo.

One Response to Guul:Yacquub Maxamed Cabdadalla Oo Xoriyadiisii Hellay kadib Markuu Iibsaday 4 Billood Xarig, Madaxwayne Gaasna U Sheegay In Uu Xamillo Dhaliisha (Daawo)

  1. Pingback: Guul:Yacquub Maxamed Cabdadalla Oo Xoriyadiisii Hellay kadib Markuu Iibsaday 4 Billood Xarig, Madaxwayne Gaasna U Sheegay In Uu Xamillo Dhaliisha (Daawo) - Daily Somalia Report