Guusha Xukuumadda Madaxwayne Gaas ee Dhanka Kaabayaasha Shaqaalaha (Falanqayn Kooban)

Filed under: Important News,Wararka |

Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa xukuumaddiisa waxaa lagu xasuusan doonnaa dadaalkii ay ka gaadhay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.

Warbaahinta P/O ayaan ku faafinaaa in uu horumarku hoos jiifo maamul wanaagga iyo cadaaladda.
Dalalka dunida sida dadban u maamula ayaa dalalka soo koraya ka illaasha maamul wanaag oo taa badalkeeda waxay dhiiri galiyaan hogaamiye ay awoodda dalka kala xisaabtammaan isaga oo qura, oo markaas ay awoodda dalka hogaamiyahaas qura gacanta ugu jirto si ay isaga un ugala macamaamillaan wixii qorshe ah, waxaana hallis ah haddii uu hogaamiyahaas meesha ka baxo in ay wixii maamulahaana maarayntiisa isaga un sii raacaan, sidii xukuumaddii siyaad Barre.

Waxaanan kula talinaynaa Madaxwayne Gaas in uu dhanka maamul wanaagga qudheeda qadarin siyyo sida uu qadarinta koobbaad u siiyay hirgallinta kaabayaasha dhaqaalaha

Mashaariicda waawayn ee Puntland ka hirgalay, kuwa bilowday iyo kuwa soo sacda dhawaan ayaa ah:

Garoonka Diyaarada ee Caalamiga ah ee Bosaso (Hirgalay)
Garoonka Diyaarada ee Caalamiga ah ee Garowe (Gabogabo)
Jaamacadda Maakhir oo Hab Casri ah loo dhisayo (Gabogabo)
Wadada Laamiga ah ee Garowe iyo Gaalkacyo (Dhawaan ayey bilaabanaysaa)
Wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo (Way bilaabatay)
Wadada Dangorayo iyo Ayl (Way bilaabatay)
Wadada Wadaagsin (Way bilaabatay)
Garoonka Caalamiga ah ee Gaalkacyo (Meel fiican ayuu matraysaa Qorshihiisu)
Dekedda Laasqoeray (Meel fiican ayey matraysaa Qorshaheedu)
Dekedda Garacad (Meel fiican ayey matraysaa Qorshaheedu)
Dadaal aan kala joogsi lahayn oo uu madaxweyne Gaas u galay sidii uu u dhisi lahaa Kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland
Waxqabadka kale ee lagu Xusi doono Hogaanka Gaas ee Puntland waxaan ka xusi karnaa.

Tababarid iyo Tayeyn Shaqaalaha dawlada Puntland oo markii u horaysay Waxbarasho dalka dibadiisa loo qaaday tiro aad u badan
Tababarid iyo soo saaris Saraakiil Ciidamada kala duwan ee Puntland oo ah markii ugu horaysay Saraakiil dalka dibadiisa lagu soo tabotaro
Abuurid iyo meel marin Xeerakii dalku u baahnaa oo markii ugu horaysay la sameyyo ama loo so jeesto
Dhisida Xafiiska u Qareemaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo markii u horaysay Puntland laga dhiso

5 Responses to Guusha Xukuumadda Madaxwayne Gaas ee Dhanka Kaabayaasha Shaqaalaha (Falanqayn Kooban)

  1. Pingback: Guusha Xukuumadda Madaxwayne Gaas ee Dhanka Kaabayaasha Shaqaalaha (Falanqayn Kooban) - Daily Somalia Report