Ha la Kala Dego si Laysugu soo Hilloobo

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Wararka |

Biligsey

Ha la Kala Dego si Laysugu soo Hilloobo

Dad baa jira wali ku hammiyaya/taamaya in dib loogu noqdo nidaamkii iyo xukunkii dhexe ee magaalada ku urursanaa (City State). Qof jecel iyo mid necebba kaasi waa tegey, mana soo noqonayo. Waxa keli ah ee lagu wada joogi karo, kolka laga cibaaro-qaato wixii dhacay taariikhihii dhowaa, waxa weeye nidaamka baahsan, adigu u bixi federaal iyo wixii kale ee aad doontid. Nidaamkaas baahsani wuxuu kala nabadgelinayaa qabiillada is-diley oo wali kala shakisan. Ruuxii raba inuu arko faa’iidada laga heley nidaamkaasi baahsan ha tago Somaliland ama Puntland. 1991kii waxaa gobollada Waqooyi-Bari (Puntland) ku soo barakacay dadkii koofur iyo Xamar ka yimid. Run-ahaan, wakhtigaasi, waxaa la oran karaa wax nolol ah oo la sheego kama jirin gobolladan. Wax muuqda oo kaabe-dhaqaale ah waxaa jirey waddo laami ah iyo deked yar oo ah tii doonyaha (Talyaanigu wakhti uma helin dhammeeystirka dekedda burburkii dawladda darteed).

Waxay caan ku ahaayeen gobolladani magaca la yiraahdo “Gaariwaa”. Shaqaalaha waxaa loogu soo diri jirey ciqaab-ahaan, sidaas darteed, waxaa lagu siin jirey lacag dheeraad ah ama gunno! Maanta, dhowr iyo labaatan sano ka dib (inkastoo dhaliilo badani jiraan), haddana, sawirku kii hore aad buu uga duwan yahay. Maanta waxaa ka Jira:

  1. Tirada rasmiga ah ee dugsiyada Hoose iyo kuwo Dhexe waa 617;
  2. Waxaa Puntland ka furan 78 Dugsiyo Sare;
  3. Jaamacaduhu waxay tiro-ahaan dhan yihiin 13.*

Iyadoo nabadda iyo maammulka laga faa’iideeysanayo, waxaa la sameeyey magaalooyin maalinba maalinta ka dambeeysa sii fidaya, lehna laamiyaal, hudheello la seexdo oo casri ah iyo is-gaarsiin la isku halleeyn karo. Boosaaso waxay leedahay garoon-diyaaradeed oo dhowaan la dhisay, Garoowe keediina dhowaan baa la filayaa inuu soo gabaggeboobo. Sannadka dhammaadkiisa waxay shirkadda Is-gaarsiinta ee Golis Telecom Puntland ka billaabaysaa is-gaarsiinta Internetka xawaaraaha dheereeya (fibre Optic).

Qof ahaan, waxaan jeclahay in gobollada oo dhammi meel sare ka gaaraan nolosha, magaalooyin waaweyn oo caasimado ah inay dhashaan, sida: Burco, Beled-weyne, Baydhabo, Boorame, Boosaaso, Kismaayo, Gaalkacyo, Dhuusa-ma-reeb, iwm. Waa in la helaa magaalooyin aan midna midda kale u baahnayn oo isku wada filan, si dadka nolosha iyo ilbaxnimada loo wada gaarsiiyo. Dawlad la’aanta Soomaalida ku dhacday ama haysata muddada dheer waxaa u sabab ah, baan is-leeyahay, waa iyadoo magaalo qur ah (Muqdisho) xasaraddeeda lagu mashquulay. Haddii ay magaalo ama magaalooyin kale jiri lahaayeen, dawladdu meel ay si ku-meel-gaar ah u sii degto ayaa la heli lahaa.

Sida lala wada socdo, dhowaan dawladda Turkiya waxay ku dhawaaqday in Muqdisho ay ka hirgelin doonto dhismayaal aqallo oo gaadhaya ilaa iyo 10,000 oo guri. Lama xusinnin in gobolladii kale ee dalka middaa mid la mid ah lagu gargaari doono. Sidaa darteed, u maleeyn maayo in go’aankaas uu u hiilin doono fekerka xukunka baahsan. Waxay mar kale arrintaas u horseedaysaa in caasimaddu noqoto bogcad yar oo laysugu wada yimaado oo laysku wada cidhiidhiyo oo lagu kala nafisiwaayo.

In maammulka la baahiyo, (Federal) waa arrin lagama maarmaan ah, ugu yaraan wakhti dhow, si qolaba meesheeda wax loogu qabto si mar aan fogeeyn laysugu soo xiiso. Waxaan aniga marna shaki iiga jirin in waxyaalihii dagaalka-sokeeye keeney ay ka mid ahaayeen in dadkii oo dhammi meel isku buurtay, dawlad si hagaagsan u maammushana la waayay, dabadeedna, la isu muuqday oo lays nacay.

*Xigasho: Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland

Qore: Cabdisalaan Cali Biligsey

21.10.2017

12 Responses to Ha la Kala Dego si Laysugu soo Hilloobo