Habardugaag

Filed under: MAANSOOYINKA,Wararka |

Maxamed Xaaji Nuur

 

Habardugaag

 

Dabadheer sideedii

Seben dayrawaayoo

Diihaal la baabba’ay,

Daxiir dhurwaagii

Dadka qaadan jirey iyo

Dinnaahow libaax baa

Ku dagaalay hiliboo

Dukundaakun lays mari.

 

Waraabaa durduriyoo

Dooxooyinkoo idil

Qaylaroor u dirayoo

Daayeerro iyo yey

Iyo kay dawaco tahay

“Soo dareera!” yiriyoo

La ballamay dugaaggii.

 

Dugaaggii markuu shirey;

Dawacaa far taagtoo

Waxay tiri: “Maxaa daran,

Hawl baa iga dambeeysoo

Teer iyo dorraataba

Naylo reero degey baan

Islahaa ka doox wane.”

 

”Mana garan dugaagow,

Beesha derinta fidisiyo

Danta loo golleeyee,

Yaa tumay durbaankoo

Ka dambeeya gogoshaan?”

 

Waraabaa is doortoo

Darbuush madaxa saartoo

Dugaag oo i su soo baxay

Intuu soo derderey qaar

Oo daacay wuxuu yiri:

“Anaa fidiyey derintaan

Dantaan uga golleeyana

Daryeelkiinna weeyaan.”

 

Wuxuu taa ku sii daray,

“Bahal waa dayacanyahay

Duqnimada bah Deri iyo

Deylamaana sababta leh

Dawgiyo xaqeennana

Haddii aynnan daaficin

Waynna duudsiyaayaa,”

 

”Dulliguu na baday iyo

Dibindaabyadiisaa

Naga reebtey dunidoo

Dib u eegan maynnoo

U dulqaadan maynnee,

War maxaad ka damacdeen?”

Buu ku daayay hadalkii.

 

Eey baa duryamayoo

Inta uu ka daba kacay

Durbadiiba wuxuu yiri:

“Waraabow ma diiddannin

Bahal inuu dayacanyahay

Laakiinse Deylame

Duqii beesha weeyee

Waa in laga dambeeyaa.”

 

“Dembigaad ku sheegtoo

Dusha awga tuurtana

Diradira cad weeyoo

Haddii aan dugaag nahay

Kugu diidney taladaas,

Yaase duubka kuu xirey,

Dugaag kaaga dhigey Boqor?

Durey maadan noqonnine

Deji baan ku leennahay?”

 

”Mana garan dantaadiyo

Dulucdiyo ujeeddada

Waxaw duurxulaysoo

Libaax kugu dandaanshee,

Waxaad damacday noo sheeg!

Dakanooyin hore iyo

Deyn miyaad ku leedahay?”

 

Dhurwaa baa darbuushkiyo

Degta ilaa tagoogyaha

Bakhti-dhawr dulsaarraa

Intuu dayma-dhidarrayn

Daawaday wuxuu yiri:

 

“Waxaan doonayaa madax

Doorashaan u taagnahay

Duugowdey Boqornimo

Giddigood bah Deri iyo

Libaax waa in uu dego.”

 

Dawlad baan dhisaayaa

Dugaag uu u simanyahay

Durjigoodna bahallada

Waxay doonayaan iyo

Daryeel baan ka simayaa.”

 

“Meel lagu daweeyiyo

Dugsiyaan u furayaa

Cirkoo da’a baruur iyo

Waxaan duulla helin iyo

Darib iyo leg baan siin.”

 

”God wuxuu ku dumi jirey

Iyo kii daleel yiil

Giddi meel dugsoon iyo

Aqal daahyo weyn baan

Maatada dejinayaa.”

 

”Duulkii qaawanaan jirey

Diricyaan u xirayaa

Maraakiibta dooshiyo

Doonyaan u rarayaa

Dahab iyo xariir baan

’Kala doorta!’ leeyahay.”

 

”Duurka iyo kayntii

Harraad lagu dawikhi jirey

Webiyaal durdurayoo

Lagu wada dabaashaan

Ka dillaacin doonaa.”

 

“Reer-reer-ku-duulkii

Damal iyo galoolkii

Dooxashadii qabiilnimo

Dulmigiyo addoonsigii

Derisnimo xumaantii

Sababihii dib noo ridey

Dalka waan ka tirayaa.”

 

“Intaasoo danteenniyo

Dawadeenna guudba ah

Ayaan doon is-leeyee,

Maygu dabaggalaysaan,

Mise waygu diiddeen?”

Buu dood ku soo xirey.

 

Eey baa is-dabajoog

Inta uu indhaa dabay

Misna caro darteed yiri:

“Inay duni geddoon tahay

Taariikhda duugga ah

Dib haddaad u raacdaan,

Hadmaa duhur dharaareed

Qorraxdoo dushaa timi

Dayax uu wax tari jirey?”

 

“Hadmaa goobo dirireed

Intay diricyo dhuuntaan

Doqon geelal dhicin jirey?”

 

“Hadmaa dood aqooneed

Rag intuu ka dalagsado

Dumar loogu wici jirey?”

 

“Waxaa taa la darajo ah:

Waraabow dabuubtiyo

Dooddaada maanta ah.”

 

“Malaayiin duddo horteed

Delebkii durta u dhacay

Ee loo dabbaaldegey

Lagu doortay reer Deri.”

 

“Daabac baan u rogayaa

Danabbada Shabeel iyo

Fahad oo ka daran iyo

Duubi weyne Nimir iyo

Dinna baan casilayaa.”

 

“Habkii kala dambeeyntiyo

Guddoonkii duqnimadana

Dugaag baan dhex dhigayaa.”

 

“Layskama darooryoo

Muran lama daliiqee

Duul ma kaa maqlaayaan?”

 

”Doorkaan horreetana

Anigaa u diyaaroo

Dugaag igu kalsoonyahay

Miyaan inaad dayuus tahay

Dawlad aad ka madax tahay

Kugu doorannaayoo

Kugu dabo istaagnaa?”

 

Curri baa ku sii daray

Oo yiri: ”Dugaagow!

Waa laydin dagayaa

Debin baa la xirayaa

Dureemaa la rogayaa

Sixir baa la degayaa.”

 

”Waa laysku keen dirin

Dilka iyo colaaddiyo

Dakannada dhexdeennana

Dib baa looga sheekeeyn.”

 

”Cirkoo da’a baruur iyo

Waxaan duulla helin iyo

Darib iyo leg waa been.”

 

“Duurka iyo kayntana

Webiyaal durdurayaan

Ka dillaacin doonaa

Hadal doqon-ma-garatiyo

Sir daboolan hoos iyo

Samac iyo qab weeyaan.”

 

“Yaase lagu dagaayaa

Lagu duufsan karayaa

Oo sun iyo deebaaq

Malab loogu darayaa

Oo taa ka diimmoon?”

 

“War ha noo dardaarwerin

Ama doobbi ama qooq

Ama duul sidii haad

Ama duubka beenta ah

Dalowyada la meermeer.”

 

“Mar haddaan dirkaygiyo

Eey diricyadiisiyo

Intaan daaqin geedaha

Kuu dooranayn madax

Ama daadduf liitiyo

Diinlaawe mooyee

Libaax kugula duuleyn.”

 

Waraabaa dibbirayoo

Intuu yeerey laba daan

Ku soo duulay Eeyoo

Miciyaha intuu daray

Dummaddiina ku joogsaday

Durruqaan wuxuu yiri:

 

“Dabadhilif aqoon iyo

Daandaan itaal xumo

Doqommadaa ka liitaba

Dugaaggow wax loo dhigo

Intaa dunida joogteen

Duulkaa ma aragteen?”

 

Shabeel daray ku joogoo

Shirka daawanaayana

Soo dego intuu yiri

Eey bay dorraad iyo

Duman bay kulmeen shalay

Been aan daboollayn

Inta loo dambaaburay

Isna meeshii lagu doox.

 

Digta iyo cabaadkii

Dummaddiyo shabeelkii

Markii Eey la daawaday

Meydkii dushiisii

Dawacaa mashxaraddoo

Dhidar baa dacuucoo

Yey baa daleentoo

Giddi diric Dhurwaa yiri.

 

Dhurwaa baa kuwuu diley

Sidaan looga diirayn

Bahal loo danqanahayn

Inta uu ku diirsaday

Oo duugtey shanabbada

Yiri: ”Habardugaagow,

Waa in lay duceeyaa!”

 

Wuxuu taa ku sii daray

Oo tii ka sii daran,

”Amarkaan idiin diro

Degdeg waa in uu fulo

Oo ciidan loo diro

Inta uu Libaax dego.”

 

”Ilaa Doollo iyo Ciid

Hawd dacalladiisaa

Dooxada Nugaal Godan

Deex Bari u daaddegga

Golol soo duljoogsada

Duullaan galoobbaxa.”

 

“Webiyada u soo dega

Duhur dhaafa Hiiraan

Bakool hays dultaagina

Gedo daraf ka soo mara

Dekeddaa Kismaayiyo

Beeraha ka soo daya

Ka soo duuba xoolaha

Dibjiriin ka wada sima.”

 

”Aniguna dantiinnaan

U dadaalayaayee

Dayicii horreetoo

Libaax innagu daawaday

Qolo-qolo dugaaggii

Waa in aynnu duugnaa.”

 

“Wixii aan durraantana

Xaqa lama daboolee

Waa in lay dallaashaa

Ciddii aan dirsado iyo

Anigiyo dirkaygana

Laga wada dambeeyaa.”

 

“War bal eega Dacawiyo

Dhidar diifta gaajada

Ma wax loo dulqaataa?”

Intuu dibintii sare iyo

Tii hoose kala direy

Oo ilaa dalqada furay

Buu yiri: “Dareeroo

Orda oo dagaal taga!”

 

Badankood dugaaggoo

Dawaco iyo Yey iyo

Dhidar ay dalbanayaan

Baa Dhurwaa la duubtoo

In ay hawshii loo diro

Xoog ku daafacaayaan

Bay ku xilo dalaaqeen.

 

Darandoorri joogto ah

Duullaan qarsoon buu

Soo dumay Dhurwaayoo

Nabad lagu dangiigiyo

Dawo waa ka dhaartoo

In uu daadsho dhiig iyo

Daandaansi daynwaa.

 

Qaylaa dalluuntoo

Dawankaa is dhaafoo

Debedda iyo gudahaba

Dabaxiir wuxuu dhigey

Baa gaaray duunyada.

 

Maroodaa dalqamayoo

Faras baa danaanoo

Yaxaas baa dabaashoo

Diin baa gurguurtoo

Digniin wadar ahaaneed

Dabaxiir ergo u direy.

 

Hayeeshee digniintiyo

Dacwada iyo taladii

Dabaxiir ma qaayibin.

 

Wefdi uu Dameer iyo

Daayeer horkacayoo

Dacwadii u keenana,

“Dib-u-socod ayaa tiin

Dembi baadna wadarnimo

Daallin kula heshiiseen,”

Giddi ugu dardaarweri

Duqowdiina ma soo noqon

In uu dileyna loo daa.

 

Dalkii gebi ahaantii

Abaar daahyo rogatiyo

Dooxashiyo qabiil aan

Duulla laga xishoon baa

‘Dam!’ Ilaah ku siiyey.

 

Wax kaleeto daayoo

Samadiina wax da’a iyo

Lagawaa daruuroo

Daacuun wax laayiyo

Cudur baa ka soo degey.

 

Deeriyo biciid iyo

Goroyiyo dameerfarow

Inta daaqda geedaha

Doofaar ka maqanyahay

Ayaa soo dillaamoo

Ugaar diririgteedii

Dedibkaa gariiroo

Intay Aar la duubteen

Gembi bay durraanteen.

 

Libaax baa diryaankii

Ka soo toosay damaloo

Yiri: “Waa gar iyo daw

Doc inaad ka noqotaan

Daandaansigiisiyo

Dulmiguu dhurwaa wado.”

 

“Waan daahay mooyee

Anna idinma dayrine

Xaqa oo dillaaciyo

Dalkoo laga gadoodoo

Dagan baan sugaayay.”

 

“Imminkana danteenniyo

Waxaad iga dalbaysaan

Anigaw diyaar ahoo

Dabaxiir eryaayoo

Ka curyaamin dibeddee

Intaad dabamaryeysaan

Guduhuun dab kaga shida.”

 

Duullaanki koowaad

Waxaa weerar loo direy

Col ma-daalayaal iyo

Dabaggaalle koox uu

Dalyaqaan u yahayoo

Dib u noqosho garanayn.

 

Waraabiyo dirkiisii

Digta waa horaadkii

Weerarkuu la dabaggalay

Jeeruu kun kaga diley

Kama harin tan iyo duhur.

 

Darbadihii ku xigey baa

Dhurwaa daad sidiisii

Dhiig looga daadshoo

Malyan sowtan laga diley

Doofaar u badanyahay.

 

Doorkii colkiisiyo

Markii doobki laga jaray

Dabaxiir baroortii

U dillaan galbeedoo

Dacwad nabadda soo dhiib.

 

Markii subax darbuushkiyo

Dhurwaa dawladnimadii

Daleel kaga dhaqaaqoo

Barqo uu ka dalagsaday.

 

Dameer baa isbidayoo

Isa soo daruuroo

Dacas suulal go’an iyo

Intuu qaatay dabaggaab

Yiri: “Xoog anaa degey

Dabaxiir godkiisii.”

 

“Ciddii igula dooddana

U dulqaadan maayoo

Waxaa iga digniin dhaar

Dameertu iiga furan tahay

Dabayl aan afuufiyo

Qoob baan ku dilayaa.”

 

“Duunyo iyo bahallana

Duulkii i racee

Daacad ii ahaadana

Bal intii ka deeqdiyo

Maankaal dawo ah iyo

Digir iyo qaraan siin.”

 

Damac waa belaayee

Qoollaa ka duday taas

Oo yiri: ”Dameeroow,

Dagaalki anaa galay!”

 

“Adna waad dayowdoo

Kursi bayska damacdaye

Darbaalka iyo koorihi

Dabageliskii reeryadii

Duudkaaga saarrayd

Dulmigiyo gumeysigi

Dabaxiir anaa ridey.”

 

“Dacaygii ku qowlalay

Iyo dabarki lugahee

Xor inaad u daaqdiyo

Kuu diidey noloshaba

Duntoodii anaa jaray.”

 

”Adna daaman weynow

Daaraha Shangaanniyo

Ilaa iyo Digfeer baad

Biyo daabbuleeysoo

Daaqaysay cawskee.”

 

”Xukunkaad ku duushoo

Dusha aad u ridatana

Cidi kuuma doorane

Maad lihid dumaashee

Ogow waad duddubisaye.”

 

“Hayeeshee dan hoosiyo

Dawaa naga dhexeeysee

Taadu hay dambeeysee

Doodi waa hadhowtee,

Marka hore dagaal culus

Deylame igula qaad.”

 

“Giddigoodba reer Deri

Dawgii dhurwaa maray

Ha ka dabaqaxeenoo

Dalka yaan mid kaga harin.”

 

“Hawsha ciidan dumiddiyo

Xeeladaha dagaalkana

Diric igaga toolmoon

Dugaag kama helayside,

Taas aniga ii daa!”

 

Diiq oo la joogoo

Dawlad loo xilsaaroo

Doonaayay weligiis

Isagiyo digaaguba

Xamaroo dabgalo iyo

Qarankuba inuu dumo.

 

Ayaa yiri: ”Dameerow!

Dulucdeedu taladuu

Soo jeedshey Dooxane

Fursad dahab ah weeyee

Anna waa i deeqdaye

Ha dayicin tanoo kale

Ee diraca taageer!”

 

“Haddii kale dagaalkaan

Dabaxiir ku qaadniyo

Waxa daqarro waaweyn

Doogtoodu nagu taal

Deylame hadduu ciyoo

Xamar soo duljoogsado

Waa la innooga darayaa.”

 

“Adna dacaygaad gooysiyo

Darbaalkiyo haantii baa

Dib laguugu rarayaa

Siduu sheegey Dooxane

Kursigaan duqnimadana

Waa lagaa dejinayaa

Ama waaba lagu dili.”

 

Dameerkii shakaa galay

Hayeshee dabuubtii

Jawaab diiddo kama oran,

Daayeer arkaayayna

Wuxuu yiri, dibkuu ruxay.

 

Eeyna dacay dhareer liyo

Duuddaa abiidkiis

Waa dabeecaddiisee

Darajooyin been iyo

Soo xirey direesoo

Inta uu duddummo dheer

Ula baxay daf iyo buun

Qayluu durbaba ciyey.

 

Wuxuu yiri dacuucdii

Shir intuu degdeg u wacay:

“Dabaxiir ka durug Xamar

Midse nooga daranoo

Duumo iyo khatar baa

Wali daarta nala yaal.”

 

Dibjir iyo ma-garatiyo

Wixii doqon shirkii yimi

Doolli uu ka madaxyahay

Dib u urursey eey oo

U hoggaami duullaan.

 

Wadarnimo bah Deri baa

Dildillaaca oogtiyo

Markii waagu daalacay

Diigaanyo ciidammo

Lagu soo dilaanshoo.

 

Deylamoo qoslaayoo

Isaga iyo reer Deri

Farxad iyo damaashaad

Dabaxiir jabkiisii

U dabbaaldegaayaan.

 

Dagaal aanay filannayn

Dooxane colkuu waday

Sow sida daruur roob

Kuma degin arooryoo

Xamar debedda kama dhigin.

 

Duqsi iyo aboor iyo

Doorshaan dhammaantina

Dab intay u dhiibeen

Dalkii gebi ahaantii

Ayax beer ku degey iyo

Diirdiir sideedii

Saacad bay ku diirteen.

 

Waddankii degaankiyo

Ku wacnaa dalxiiskana

Sida meel dukaafad ah

Lafo daadsan mooyee

Kuma harin dureemiyo

Doog iyo wax nooliba.

 

Maxamed Xaaji Nuur Maxamed

Maarso 1991

E-mail: mhd.h.n@live.com