Habka Ugu wanaagsan ee Cadawgaaga Lagula Dagaalamo (Maqaal Muhim ah)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

corruption
Hanaanka ugu wanaagsan ee cadawgaaga lagula dagaalamo, waxaa kow ka ah in aad cududooda kala qaybisid oo cadaawad ka dhex abuurtid.

Sidee awoodda iyo cududda cadawgaaga loo kala qaybin karaa.

1) Waxaad taageeraysaa xukuumad walba oo dhanka cadawgaaga ku dhaqmaysa nidaam cadaalad darro iyo musuq maasuq ku xeeran, marka ay xukuumadda cadawgaaga ay garwadeen ka yihiin kooxo ku shaqeeya musuq maasuq iyo cadaalad darro, waxay kuu sahlayaan in aad cadawgaaga kala qaybiso.

Marka waa in aad muddo dheer oo 15 sano ka badan taageerto xukuumad ku shaqaynaysa kaligi talisnimo, cadaalad darro, musuqmaasuq, eex, kibir, hanti aruursi, kursi jaceyl.
Xukuumadaas waxay kala fogaynaysaa is aaminaadda iyo isku kalsoonaanta cadawgaaga, marka waa in aad si fiican taageero buuxda u siisaa xukuumadaas cadaalad darada ku shaqaynaysa.

Markii aad hubsatid in bulshada cadawgaagu ay kala aamin baxeen, ayaad caawinaysaa qolooyinkii dulmanaa oo waliba aad si fiican u caawinaysaa, xasuus—> awal adigaa taageerayay kooxdii bulshadan dulmaysay mudada dheer.

2) Markaan ayaad kooxihii kala aamin baxay mid kasta goonidiisa ula saaxiibaysaa oo waliba caawinaysaa, si uu adiga kuugu arko rixim uga fiican kii ay dadka isku xigeen ee dulmiyay.

Xasuus –> Walaalkaa oo ku dulmay waa ka xanuun kulul yahay shisheeye ku dulmay.

3) Markaan adigu uma baahnid in aad gacantaada isaga dhiciso cadawgaaga ee taa badalkeeda iyagaad isku jeedinaysaa.

Ujeedada maqaalkan.

Haddii aan marka xildhibaanka la soo xulayo aan si cadaalada loosoo xullin ee hab musuqmaasuqa lagu soo xullo, Xildhibaanadaas waxay iyana iibsanayaan codkooda oo waxay u codaynayaan ruuxii lacag siiya, oo codka loo iibshay oo leh dhaqanka dhurwaaga oo aynan wax deeqa jirin.
Xildhibanadu waa Golaha sharci dajinta, wadankuna wuxuu ku shaqeeyaa sharciyada ay xildhibaanadu ansixiyeen, marka markii sharci la samaynayo waa in ay u codeeyaan, waxayna iibsanayaan sharci kasta oo baarlmaanka looga codaynayo, matalan sharciga canshuuraha haddii qolo ay soo jeediyaan sharci qaldan oo ku saabsan canshuuraha oo qolodaas ay laaluushaan xildhibaanada oo lacag siiyaan waxay u codaynayaa cid allaale ciddii lacag siisa,

Xildhibaanka musuq maasuqa ku noqday Xildhibaan, waligiis la xisaabtami mayo Madaxwaynaha musuq maasuqa ku shaqeeya waayo xildhibaankaa raba madaxwayne codkiisa ka iibsada oo musuq maasuq ku shaqeeya ee ma uu rabo madaxwayne caadila waayo wax lacaga kama uu helayo.
Markii muddo dheer ay xildhibaanada iyo madaxdoodu musuq maasuq ku shaqeeyaan waxaa ku xigaysa iskooxaysi, qabyaalad, eex.
Waxaa ku xiga kala aamin bax.
Waxaa ku xiga qulqulad iyo dagaal sokeeye.

Haddii ay saas khatar u tahay in marka xildhibaanka lasoo xulayo hab musuq maasuqa lagu soo xullo, isla markaasna ay shacabka, wadaadada, siyaasiyiinta dhamaantood ay daawanayaan oo aynan cidna ka hadlayn waxaa iska cad in aynan wali umadaan xal doonayn, mana garanayo meesha uu xalku uga imanayo.

Hadaba waxaa la rabaa in uu qofkastaa ka hortago xildhibaan umadda hortooda lagu kala iibsanayo oo ruuxii lagu qabto isagoo iibsanaya masiirkii umadda, waa in ruuxaas dhagax lagu dillo, waayo wuxuu lacag siisanayaa umad dhan mustaqbalkood

One Response to Habka Ugu wanaagsan ee Cadawgaaga Lagula Dagaalamo (Maqaal Muhim ah)

  1. Pingback: Habka Ugu wanaagsan ee Cadawgaaga Lagula Dagaalamo (Maqaal Muhim ah) - Daily Somalia Report