Haddii Dp-World 400 Oo Million$ Galisay Dekadda Boosaaso 30 Sano Lacagtaas Ma Usoo Noqonaysaa

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Shirkadda caalamigaa ee Dp-world ayaa maalgashata dekadaha caalimiga ah ee dunida, waxayna ku maalgashataa lacago aanu caqligaagu galayn, waxaana ka mida dekad london kutaal London Gateway oo ay Dp-world ku maalgashatay 1500 oo million$ ama 1.5 bln, kolaba faahfaahn dheerada kama muuqato internetka mudada ay dp-world lacagta ka baxday uga soo noqonayso.

Hadaba su’aasha is waydiinta mudan waa dp-world haddii ay 400 oo million$ ku maalgashato dekadda Boosaaso oo lacagtaas ayba kasoo qaad dhab tahay in ay ku baxayso dhismaha iyo qalabaynta dekadda Boosaaso ayna wanaagsantahay in la dulsaaro gudi xaqiijiya in lacagtaas ay ku baxday dhismaha dekadda iyo qalabaynteeda oo la dul istaago.

Hadaba annagoo eegayna shaxdii shalay saxaafadda loosoo bandhigay ee khidmadda dp-wold lacagtaas dp-world ma usoo noqonaysaa muddo 30 sano gudaheeda.

khidmadda Dp-World

Aan ka billowno xoolaha.
Sanadkii 2016 xoolaha ay Soomaaliya dibadda u dhoofisay waxay ahaaheen 5 million ari geel lo dhammaan.
Dekadda Berbera ayaa la sheegay in ay ka dhoofeen 3.5 million taasi oo ka dhigan, Muqdisho, Boosaaso, Kismaayo waxaa ka dhoofay 1.5 million neef.

Kaba soo qaad in ay dekadda Boosaaso ka dhoofeen hal million oo neef, dp-word khidmadda calaa neef waa 8 sent ari, lo 40 sent, halka geelu uu yahay 1 dollar calaa neef, kaba soo qaad calaa neef 30 sent, sanadka dhan waxaa laga helayaa 300 illaa 400 oo kun oo dollar oo ay ku jirto canshuurtii dawladda oo aan laga jarrin iyo kharashadkii shaqaalaha ku baxay iyo qalabaadka iyo nabadgalyada, taasi oo ka dhigan in 30 sano laga heli karo illaa 11 million$ oo ay ku jiraan canshuurtii iyo kharashaadkii.

Dhanka shidaalka Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa in ay maalintii isticmaasho 5500 oo fuusto oo shidaala, halka maraykanku uu maalinkasta isticmaalo 19 million oo fuusto. Halkaan ka eeg
kaba soo qaad dekadda boosaaso in ay kasoo degaan 2000 oo fuusto maalintii.
bishiina waa 30*2000=60,000.$ haddii calaa fuusto hal dollar laga qaado waa 600 kun oo dollar., Sanadkiina waa 7 million$, taasi oo ka dhigan 30 sano 210 million$ oo ay ku jiraan canshuurtii iyo kharashaadkii mushaarka oo aan wali laga jarrin.

Isku soo duub haddii ay dhab tahay in ay dp-world ku maalgallinayso dekadda boosaaso lacag dhan 400 oo million$ jawaantu waanu wada guulaysanay reer Puntland iyo Dp-world win win oo markaas reer Puntland iyo Soomaalina ma khasaarin Dp-Worldna ma khasaarin oo waa ok ee waa in dhibka la joojiyaa oo shirkadda jaanis lasiiyaa ay hawlaheeda kusii wadato buuqa badana la joojiyo.

Waliba reer Puntland baa faa-iido qaba, waa haddii si saxa loo xisaabtamayo, waayo reer Puntland bay hanti ma guurto ah u haraysaa, waxayna dekaddu noqonaysaa mid caalamiya oo fududaysa hawla badan oo aan hadda la haysan.

Waxaa kaloo muhiima in ay xukuumaddu soo bandhigto heshiiska asalkaa si meesha shakigu uga baxo.