Haddii Soomaali Suuqii Xoolaha, Kalluunka, Batroolka Laga Hor-Istaaggay, Hadana Argagixiso lagu Soodaayay Maxay Aduunku Soomaali Ka Damceen? (Qormo Gaaban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Map Somalia

Hadaad Maapka kore eegtid Soomaali illaahay wuxuu ku manaystay Bad dhererkeedu dhanyahay 3300 km, hase yeeshee waxaa laga hor istaagay in Soomaali loo furo suuqa kalluunka.

Soomaali illaahay wuxuu ku manaystay macdan farabadan oo waliba la cadeeyay illaa 150 billion oo fuusto batrool bad iyo bariba lagu qiyaaso, hase yeeshee geed dheer iyo mid gaaban waxaa loo fuullay in laga hor istaaggo in Soomaali suuqa shidaal loo furo.

Soomaali illaahay wuxuu siiyay dhul beeraha ku habboon, hase yeeshee waxaa lagu mashquuliyay dagaalo sokeeye.

Hadana waxaa lagu maalgalliyaa argagixisada caalamigaa si ay fawdo uga billaabaan deegaanada Soomaalida oo aynan dadka miskaxdoodu u shaqayn

 

Maahmaahdii ahayd mayd kaas lasii sidaa u danbeeyay.

Hadana waxaadba mooddaa suuqii xoolahana in laga xanibayo.

 

Talow Soomaali dunidan kale maxay ugu talagalleen, waa su’aal taagab.

Waxaana ugu daran dalal ay Soomaali in ay isku jaalyihiin tuhmaysay