Haddiiba Magaalada Bartankeeda Gaalkacyo inta dadka lagu gowraco la iska dhaqaajinayo sida dilkii Wariye Silver Gaalkacyo ma ahan meel ammaan ah (Falanqayn)

Filed under: Wararka |

Shalay Galab Gaalkacyo waxaa ka dhacay wax aan marna la filayn in ay dhacaan, waxaana ay kooxihii dhiigga islaamka bannaysan jiray ee dad qalatada ahaa ee dadka masaakiintaa dhiiggooda bannaysan jiray ay har cad ku toogteen magaalada Bartankeeda isagoo Makhaayad fadhiya Alla ha u naxariistee wariye Cabdirisaaq Silver oo waliggiis reer Gaalkacyood ahaa.

Sidee ayaa ammaanka Gaalkacyo la isugu hallayn karaa marba haddii kooxda dad qalatada ee dhiigga shacabka masaakiintaa caba ay suuqa bartankiisa inta ruux ku toogtaan ay iyagoo nabad qabaa fakanayaan.