Hadiiba Agaasimihii Madaxtooyada Laga Dhigay Ninkii Bixiyay Laaluushkii Ugu Badnaa ee Xildhibaanada Lagu Kala Iibsanayay 8-dii sano ee lasoo dhaafay, Sidee Musuqmaasuq LooLa Dirirayaa ?? (Qormo Gaaban).

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

6-dii sano ee lasoo dhaafay ayaan Puntlandobserver waxaan ku daabacaynay maqaalo ku saabsan sidii ay Soomaaliya mar un u helilahayd nidaam siyaasadeed oo sharcigu shakhsiga ka sareeyo.

Meesha ugu muhiimsan ee aan isniri waxbaa laga sixi karaa waa sida uu ku imanayo xildhibaanku, waayo haddii si hufan cadaalada oo aan laaluush lahayn xildhibaanka lagu soo xulo, waxaa laga yaabaa in ay xildhibaanadaas iyana Madaxwaynaha ku xushaan laaluush la’aan.

Akhri qormadaan aan xili hore ku daabacnay Puntlandobserver.
Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 4aad (Akhri warbixin muhima)

Dhanka kale xildhibaanku waa xeer dajihii, dalkaana umad baa waxay ku heshiiyeen in ay xeerarka umaddu ku heshiisay lagu dhaqmo ee aan qofka shaqada loo dhiibay la dhagaysan ee lagu dhaqmo xeerarka ay umadaan wada dhigteen.

Marka xildhibaanka shaqadiisu waa xeer illaaliye oo waxaa la rabaa in uu illaaliyo xeerkii umaddu ku heshiisay, dhanka kale marka xeerarka wax laga badalayo waa in ay goob joogyihiin dhamaan xildhibaanadii deegaanada dalka kala matalayay, dhanka kalena xildhibaanku waa wakiilkii dhammaa oo halkii xildhibaan wuxuu wakiil ka yahay oo matalaa ugu yaraan 50 kun oo Soomaaliya oo degan deegaan mucayina.

Hadaba dhibku meesha uu ka imanayo, waxaa la rabaa in sifud loo iibsado xildhibaankii, markaasna meesha waxaa ka baxaya wakiilnimadii xildhibaaneed iyo aaminaaddii la aamini lahaa xeerar ay umaddu kuwada heshiiyeen, waayo sheekadii waxay noqotay suuq iyo kala iibsi.

Hadaba rajabeelka maanta Soomaali haysta ayaa ah Fahad Yaasiin oo ay maanta Soomaali oo dhami ka warhayaan in uu ahaa ninkii Dawladda Qadar kasoo dhameeyay lacagtii malaayiinta ahayd ee uu Xasan Sh Ku iibsaday xildhibaanada oo Madaxwaynaha ku noqday, iyo middii Farmaajo Lagu doortay oo xildhibaanada lowgu iibshay, in hadana maanta la yiraahdo waa Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya.

Markaas haddaan is lahayn mar un baa musuqmaasuqa lala dagaalami, tani waxay meesha ka saartay in marna musuqmaasuq iyo xildhibaan lakala iibsanyo marna lala dagaali doono.

Waxay meesha ka saartay in la hello nidaam sharcigu shakhsiga ka sareeyo, oo aan niri wuxuu ka billowdaa iyadoo xildhibaanka si daacada lagu soo xulo, maadama Xilkii dalka ugu sareeyay lagu abaal mariyay ninkii kharashaadkii ugu badnaa ku bixiyay kala iibsiga xildhibaanada.

Dhanka kale waxaa la isku raacay in Fahad Yaasiin iyo Farmaajaba yihiin laba nin oo shakhsiyada wanaagsan, laakiin waxaa walwalku ka jiraa sidii loola dagaalami lahaa xildhibaan lakala iibsanyo, taasi oo aan hadda muuqan in wadadeedii iyo wax u dhaw hadda la qaaday.

Ugu danbayn dhegayso heesta: Haddii Dabkii Dhaxamoodo Maxaa Lagu Diiriyaa (Hees Ka Tarjumaysa Xaaladda Soomaaliya)