Hal-Abuurka Ay Reer Gaalkacyo Madaxwayne Farmajo Kusoo Dhaweeyeen, Gabadh Libaax Fuushan, Iyo Rati Lagu Xardhay-Calankii Soomaaliya, Si Uu Madaxwaynuhu ugu kordhiyo Hashii Maandeeq Ee Caana Yaraysay

Filed under: Important News,Wararka |

Gaalkacyo:Gudiga qabanqaabada soo dhawaynta Madaxwayne Farmaajo, ayaa habeenadaan oo dhan waxay ka fakarayeen in ay la yimaadaan hal-abuur ka duwan hal-abuuradii hore ee Madaxwayne farmaajo lagu soo dhawayn jiray.

Beerta lagu magacaabo Suldaan Hure, ee duleedka Gaallacyo ayaa waxaa lagu diyaaritay Gabadh iyo Libaaxyadeeda, waxaana loo diyaariyay in Madaxwaynaha halkaas lagu soo dhaweeyo gabdho libaaxyo fuushan.

 

Dhanka kale waxa la diyaariyay rati loo ekeysiiyay hashii maandeeq oo la leeyahay Madaxwayne ratigaan ku dar waxqaybsigii hashii maandeeq maadaama ay hashu caano yaraysay oo ay Soomaalidii ku fillaanwayday, si aanad ugu ceeboobin markaad Soomaalida wax u qaybinaysid..

 

Liibaaxii Gaalkacyo ee farmaajo Soo dhaweeyay Ratigii maandeeq

Hoos ka eeg hanaanka hadda ay Soomaalidu wax ugu qaybsato hasha maandeeq.

hashii maandeeq

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *