Hal milyan oo doolar oo berito lagu wareejinayo Jidka Ceel Daahir, waxaa Madaxweyne Gaas ka bixinaya $10million oo Imaaraadku ku bixiyey heshiiskii lagu horumarinayey dekadda Boosaaso.

Filed under: Important News,Wararka |

Garoowe, Madaxweyne Gaas ayaa berito wareejinaya $2.5 Million oo lagu dhameystirayo dhismaha garoonka diyaaradaha ee Garoowe iyo $1Million oo ay dalbadeen guddiga dhismaha wadada Ceel Daahir-Ceergaabo.

Lacagahan waxaa dalbaday kooxaha gacanta ku haya mashaariicda Garoonka diyaaradaha Garoowe iyo Wadada Ceeldaahir, Garoonka ayaa la sheegay in dhameystirkiisa lacagtaasi uu u baahanyahay, halka wadada la sheegay in lacagtaasi oo daamur ah dalbadeen guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir

Xafladda lacagtan lagu wareejinayo ayaa la ii sheegay in beri lagu qabanayo Garoowe, lacagtan oo isu geyn noqonaysa $3.5 Million, waxaa Madaxweyne Gaas ka bixinaya $10million oo Imaaraadku ku bixiyey heshiiskii lagu horumarinayey dekadda Boosaaso.

Qorshaha Dekadda Boosaaso ayaa isna la ii sheegay in ramadaan kadib la bilaabayo, waxaana xubno ka tirsan madaxtooyada an kasoo xigtay in dadkii ka shaqeyn lahaa howshaasi qaybi hada joogto Puntland

Jaamac debarani

Hal milyan oo doolar oo berito lagu wareejinayo Jidka Ceel Daahir