Hambalyo, Bogaadin, Talooyin, iyo Dardaaran Ku Wajahan Madaxweynaha iyo Xildhibaanada JFS, By Abdihakim H. Hersi

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Hambalyo, Bogaadin, Talooyin, iyo Dardaaran Ku Wajahan Madaxweynaha iyo Xildhibaanada JFS

Ugu horayn waxaan hambalyo u dirayaa mudane Maxamad Cabdulaahi Farmaajo oo ku guulaystay tartankii kursiga Madaxweynenimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS). Ilaahay waxaan kaaga baryaynaa inaad adiga iyo dawladda ad soo dhisidoonto ad si daacad iyo hagar la’aan ah uugu adeegtaan Ummadda Soomaliyeed. Aamiin.

Sido kale waxaa hambalyo iyo bogaadin mudan xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Dawladda JFS oo iyagu ka jawaabay rabitaankii shacabka Soomaaliyeed, meel kaste ha joogaan, oo aad uugu oomanaa in isbedel siyaasadeed dhaco. Toban casho ka hor qoraal an soo galiyey shabakadaha interneetka ayaa waxaa ku jirtay “Shakhsiga ad madaxweyne usoo doorataan waxay intayada kale u noqonaysaa ishaaro meesha ad rabtaan inaad Soomaaliya u jihaysaan.”

 

Waxaa iyaguna hambalyo iyo bogaadin badan mudan Guddiga Ilaalinta Anshaxa iyo Asluub-Wanaagga iyo Bedqabka (integrity) Geedisocodka Doorashada Madaxweynaha JFS. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah Guddomiyahaa gudigaas iyo xubanaha kaleba, oo xilkaan loo magacaabay sideed(8) casho ka hor doorashada, waxay suurtagaliyeen intii lagu jiray meesha doorashu ka dhacayso in doorashadu ku dhacdo si hufan, xalaal ah, oo an wax mugdi, shaki, iyo isqabqabsi ku jirin. Musharaxiinta iyo Xildhibaanudu waxay banaanka ku soo wada hadleen iyo waxay kala qaateen waa iyaga iyo Allahood.

 

Dib U Soo Dhiska Ciidan Qaran

 

Dabcan Madaxweyne Farmaajo ma aha nin saaxada siyaasadda ku cusub. Wuxuu ahaa Ra’iisul- Wasaarihii (RW) dalwladdii ku meel gaarka ahayd ee Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Xilka wuxuu hayey muddo todoba (7) bilood ah. Muddaas yarta ah wixii lagu xasuustey waxaa uugu muhiimsanaa joogtaynta bixinta mushahaaraadka ciidamada qalabka sida oo iyagu dagaal ba’aan kula jiray argagaxisada Al-Shabaab. Waana tan keentay markii lagu dhawaaqay in mudane Farmaajo ku guulaystay hogaanka JFS ay ciidama qalabka sida, meel kaste ha joogaane, circa ugu shareereen rasaas dabaaldegeed.

 

Waa fursad qaali ah oo loo baahan yahay in mudane Madaxwweyne Farmaajo uuga faaideysto kalsoonidaas uu ka kasbaday ciidamada sida uugu haboon. Guuxa uugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed isla dhexmarayo waxaa uugu muhiimsan in la soo nooleeyo ciidankii qaranaka Soomaaliyeed oo ah sida kaliya oo lagu soo celinkaro amnigii iyo xasiloonidii dalka oo ay daba socoto karaamadii iyo sharafkii Ummadda Soomaliyeed. Waxaan isleeyahay haddii dadaal weyn la galo, Dawladda Dhexe iyo kuwa Goboleedkuna daacad u wadashaqeeyaan, in muddo labo (2) sano ah la yagleeli karo ciidan tiro iyo tayo fiicanba leh, kuwaaso looga kaaftoomi karo ciidamada shisheeye, badidood.

Midbaase iga dardaaran ah. Soomaalidu waxay tiraahdaa hadal iyo ilkaba waa la cadeeyaa. Marka an caadifada meel iska dhigno oo an si xaqiiq ah u wada hadalno, ciidanku wuxuu noqon karaa sidii midi laba af leh. Haddii si saxa loo isticmaalana wuxuu so hoyinkaraa isla markaasna ilaalin karaa amniga, xasiloonida, sharafka, iyo karaamada dalkeena iyo dakeena. Haddii si khaldan loo isticmaalana, sidii dhacday dhawr iyo afartankii sano lasoo dhaafay, hade waa waxa ina dhigay meesha an maanta naalo.

Si loo abuuro loona adkeeyo kalsoonida ciidamada qaranka ee la yagleelayo, in iyadana lasoo celiyo kalsoonidii, is aaminkii,  iyo walaaltinimadii ka dhexaysey shacabka ay ciidamadani ka kala imaanayaan. Wadanku wuxuu soo maray dagaalo sokeeye oo ay ku nafwaayeen dad badan, hanti badan lagu dhacay, hantidaasoo ilaa iyo maalinga maanta ah la kala haysto. Waa lagama maarmaan in qaaramaynta ciidamada ay feer socoto dib u heshiisiin dhab ah, oo ka duwan wixii ay dawladihii hore soo mal maleegi jireen, hantidii la kala haystayn la iskugu soo celiyo.

 

Muddo ilaa bil ah Madaxweynuhu wuxuu ku mashquulsanyahay soo xulida RW iyo Golaha Fulinta intiisa kale.  Waa muhiim in la helo tiro kooban oo wasiiro ah isla markaasna tayo fiican leh, dumarkana qaybtooda laga siiyo. Balse umalayn mayo inay ishaaro weyn ka bixinayso wax qabadka dawladdiisa.

 

Aragtideyda qof-ahaaned ishaarooyinka bidhaan fiican naga siin kara wax qabadkiisa waxaa ka mida, marka laga daro qaramaynta ciidamada oo an ka kor kusoo xusay, kuwa soo socda:

Wada Shaqaynta Golaha Fulinta iyo Kan Sharci Dajinta

 Waxaa ishaaro weyn noqonaysa sida dawladdiisa iyo Baarlamaanku ay u muujiyaan xilkasnimo iyo wadashaqayn dhab ah, iyadoo gole walba gudanayo waajibaadkiisa dastuuriga ah, oo midna uusan ku samayn midka kale faragalin sharci daro ah. Aalaaba xasaradu waxay ka timaadaa dhanka Golaha Fulinta oo ah Madaxweynaha iyo golihiisa.

 

Dhamaystirka Golaha Gasoorka

 Waxaa kalo ishaaro weyn noqonaysa marka labadaan gole ay soo dhamaystiraan tiirkii sadixaad ee dawladdu ku taagnayd oo ah Golaha Garsoorka iyo dhamaan qaybihiisa kala duwan, ama ha ahaato Dawladda Dhexe ama Dawlad Goboleedka (DG).

Bal ka warama ciyaaraha qaranka ama caalamiga ah ee kubada cagta ama koleyga oo an lahayn garsooreyaal. Kubada cagta ciyaaryahannadu markay kubadu gacanta kaga dhacdo ama ay si khaldan mid kale u mija-xaabiyaan, yaa qabanaya oo oronaya waa khalad haddii an garsoore jirin. Tusaale kale, kubada cagta waxay leedahay sadix (3) garsoore oo ciyaarta daadihiya. Haddii la yiraahdo mid kaliya ha daadihiyo, dabcan garsoore kaliya kuma filna.

 

Waana waxa haysta maanta Golaha Garsoorka Soomaaliya. Oo garsoorkii waa jiraa, mase dhamma oo weliba laan muhiim ah yaan weli la dhisin. Waa laanta Maxkamada Dastuurka. Waa meeshii sharciyan lagu kala bixi laha marka uu yimaado muran Dawladda dhexdeeda, Dawladda iyo Baarlamaanka dhexdooda, Dawladda Dhexe iyo Dawlad Goboleedyada dhexdooda, ama Dawlad Goboleedyada dhexdooda. Haddii kale waxaa imanaysa in labadii isqabsataaba tiraahdo kala reebta ina gee, kii adkaada reerka u harine.

Yagleelida Guddiyada Madaxa Bannan

Waxaa iyaduna aad iyo aad muhiim u ah soo magacaabista Guddiyada Madaxa Bannaan, sida kan Ammaanka Qaranka, kan Xuquuqda Aadamiga, kan La Dagaalanka Musuqmaasuqa, kan Runta iyo Dib-u-heshiisiinta, kan Doorashooyinka, iyo kuwa kaloo badan oo muhiim ah dastuurkuna qeexayo. Guddi walba wuxuu leeyahay hawl gaar ah oo kooban oo loo baahanyahay inu diirada saaro kana jibagaaro. Sideedana hawshu waxay ku fududahay markii culayskeeda lakala qabsada.

Isku soo duub. Inta an ishaarooyinka usoo qatay waa dhamistirka haykalka dawladnimo iyo wada shaqayntooda.Haddii lixda (6) bilood oo uugu horaysa, ama uugu badnaan sanadka uugu horeeya, Dawladda Farmaajo wax wayn ka qabato arrimahaas iyo kuwa kaloo muhiim oo aanan halkaan ku soo koobi karin,  rajadu ma xuma. Haddise ay isku biya shubato wax walba anaaga ku filan oo waxaan ka maamulaynaa madaxtooyada, waa dhaqankii dawladii hadda dhacday, waana tan dhaxalsiisay in shacabku kalsoonida kala laabto, weliba si aqlabiyad weyn ah.

 

Rabbow Tubta Toosan. Aamiin

Abdihakim H. Hersi

ahhersi@outlook.com

dhagaseynbloc.wordpress.com

 

One Response to Hambalyo, Bogaadin, Talooyin, iyo Dardaaran Ku Wajahan Madaxweynaha iyo Xildhibaanada JFS, By Abdihakim H. Hersi

  1. Pingback: Hambalyo, Bogaadin, Talooyin, iyo Dardaaran Ku Wajahan Madaxweynaha iyo Xildhibaanada JFS, By Abdihakim H. Hersi - Daily Somalia Report