Hambalyo Gudiga isku xilqaamay soo dhawaynta Qaxootiga Soomaalidaa ee Yemen ka yimid (maqaal iyo Video maqal)

Filed under: Important News,Wararka |

Markasta qofka wanaagga ka shaqeeyay waa in dadkoo dhan ku amaanaan wanaaggii uu ka shaqeeyay, waxay intaas u noqonaysaa dhiiragallin xitaa haddii aannad jeebka gacanta gallin oo aanad ku taageerin.

Waxaana cajiiba gudigaan sida ay qofwalba oo Qaxootiya u siinayaan lacagta faraha badan, ogow Soomaaliya lacagta dibadaha looga yabooho haddii dadka loo dhiibbaa ay sidaas wadaadaas khayrka shaqaystay oo kale wixii dadka lowgu dhiibay u siin lahaayeen, waxwayn bay ahaan lahayd mida kale lacagtu marka ay jeebabka dadka oo dhan gaarto waxay dib ugu soo noqotaa Ganacsatada iyo dalka waayo dadkii lacagtii dib wax ugu iibsanayaaan Gaacsatadii oo lacagtii suuqay kusoo noqonaysaa, laakiin marka lacagtii ay hal ruux jeebkii gasho ruuxaas lacagta dalkaba waa ka saaranayaa oo meelo kale ayuu ku maalgashanayaa, marka waa wax cajiiba sida ay nimankaan wadaadadaa lacagta intaa le eg aynan u musuqmaasuqin ee ay sidii lowgu tala galay dadkii masaakiinta ahaa farta uga saareeen

Gudiga Badbaadinta Qaxootiga waxay noqondoonaan Guddi Soomaali oo dham Tusaale u noqda, waxaana iyana sidaasoo kale sharaf iyo Ajarba helaya Shacabka iyo Dawladda Puntland oo si guud isaga wada xilsaaray.

Puntlandobserver Desk