Hamiga Ay Istuseen Qolooyinka Gaalkacyo Dagaalka Ka Wada Iyo Caqli Xumo In Haddii Dagaal Gaalkacyo Ka Dhaco Uunan Hamigooduna Suurtoobayn (Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

Hadaad eegtid dhulka Gobalka Mudug iyo baaxadda uu ku fadhiyo waa arrin aan marna caqliga saliimkaa ogalaysiinayn in hal kiilomitir dagaalka intaa baaxaddiisu le’egtahay uu sabab u noqdo iyadoo dhulka Gobalka Mudug uu aad u baaxad waynyahay, daawo maapka hoose markaas ayaa sharixi doonnaa meelaha uu dagaalkaan lugta la gali doono.
gaalkacyo2
Hadaba waxaad mooddaa dagaaladaan Gaalkacyo in ay soo abaabulayaan siyaasiyiin ku sugan magaalada Muqdsiho oo dhawr arrimood is tusay oo is leh hadaad Gaalkacyo dagaal ka ridaan waxaa idiin hirgalaya hamigiina, balse aan talada ku darsan in dagaalaan sababayo in ay burburto Dawladda Federaalkaa ee ay hadda magaceeda ku qaraabtaan

1) Qolooyinka shirkadaha maafiyada ee raba in ay dhacaan Batroolka Soomaaliya Akhri qormadaann
Sir hoose:Shiradda Somoil Oo La Sheegay In Ay Colaadda Gaalkacyo Soo Abaabushay (Akhri Xog Si Hoose Aan U Helnay)

2) Dagaalka dhanka Dekadaha iyo Suuqa Ethiopia oo hadda aad mooddo in uu jiro tartan maamul Gobaleedyada Soomaalida macaa ay ku tartanayaan helidda maalgalin beesha caalamka ee dhismaha dekadaha iyo cidii ka faa-iidaysan lahayd suuqa Ethiopia si aad wax uga ogaatid akhri qormooyin aan horey ugu daabacnay P/O.
Dr Abdirahman Bayle oo kashifay qorshaha Damjadiid iyo Dekadaha ay doonayaan in ay ka dhisaan, Cadale, Ceeldheer, Hobyo, Marka iyo Lughaye (Qormo falanqayn iyo Muuqaal iyo Maqal))

Ama qormadaan kale.
Dagaalka suuqa Ethiopia oo ka dhex billowday beelaha iyo maamul Gobaleedyada Soomaalida (Warbixn Muhim ah)

Waxaanan ka marnayn siyaasiyiin badan oo Soomaaliya oo kasoo jeeda soomaaliya qaybaheeda kala duwan, oo dhamaantood kasoo horjeeda in uu mashruuca Garacad Goldogob uu najaxooo u arko in uu carqalad ku naqon karo mashaariic ay wateen, sidaas la ajlogeed u arka jaanis wanaagsan in Gaalkacyo laga huriyo dagaal sokeeye si aannu mashruucaasi u mira dhalin, laakiin waxaynan talada ku darsan in dagaalka Gaalkacyo uu burburinkaro jiritaanka Soomaaliya oo dhan

Si kastaba ha ahaato waxaa la doonayaa inta caqliga saliimkaa leh in ay kacaan oo iska qabtaan kooxaha sida xun u fakara ee hunguriga xun dhankay rabaan haka soo jeedaan

Soomaali dhulku waa ka badan yahay, meel kasta oo dekad laga dhiso waa laga faa-iidayaa, ninkasya oo wax qaban kara ha qabto waa faa-iido, aakhirkana waxaa loo gudbayaa sidii marlabaad la iskugu dayi lahaa dawlad soo celisa kalsoonida dhamaan shacabka soomaalida oo bari ka ah hami shakhsiyadeed ama hami kooxeed

One Response to Hamiga Ay Istuseen Qolooyinka Gaalkacyo Dagaalka Ka Wada Iyo Caqli Xumo In Haddii Dagaal Gaalkacyo Ka Dhaco Uunan Hamigooduna Suurtoobayn (Qormo Gaaban)

  1. Pingback: Hamiga Ay Istuseen Qolooyinka Gaalkacyo Dagaalka Ka Wada Iyo Caqli Xumo In Haddii Dagaal Gaalkacyo Ka Dhaco Uunan Hamigooduna Suurtoobayn (Qormo Gaaban) - Daily Somalia Report