Haweenka Waqooyiga Gaalkacyo: Qofka Nabadda Ka Hadla Ayaa Geesiya Oo Diraca (Erayo Muhiima Dhegeyso)

Filed under: Important News,Wararka |

Akhriso Qormoouinkii Puntland observer aan ku daabacnay ee muhiimadda Nabadda

Haweenka Gobalka Mudug ayaa sheegay in uu Geesiyahay ruuxa ku dhiirada ka shaqaynta nabadda isla markaana uu yahay fule ruuxa ku dhiirada ka shaqaynta hurinta colaadda.

Waxaana xaqiiqa in kuwa hadda colaadda hurinteeda ka shaqeeya ay noqon doonaan kuwa ugu hor carara marka foodda la is daro, oo marka danbe kuwa isku dhamaan doonna ay noqon doonnaan kuwa hadda nabadda ka shaqaynaya.

Marka hadda kuwa ku dhiiranaya in nabadda lagu dhiirado waa kuwa qadiyadda Soomaalinimo ku wayntahay damqashada shacabkuna ku wayntahay danaha gaar ahaaneedna ku yar yihiin oo danta guud ku wayntahay.

Daawa eraya haweenla waqooyiga Gaalkacyo oo si wanaagsan uga hadlay nabadda kuna booriyay haweenka iyo dhalinyarada nkoonfurta Gaalkacyo in ay iyana saxaafadda ka hadlaan oo si geesinimo ah u muujiyaan rabitaankooda nabadda.