Hees Iyo Qoraal Max’d Rabshe (AXADDII)

Filed under: Heeso,Important News,Wararka |

axmed-rabsho

AXADDII

Waa lay addimey

Axaddii sidaan

Kuu eegayee,

Araggeeda taan

Ku il-doogsadaay,

Ma illawsan tahay

Axdigaad martiyo

Meeshaad i tidhi,

Waan imanayaa”.

Immisaad farriin

Ergo soo dirtood

Oontiyo biyaha

Hurdo aawaday

Uga soommanayd.

Eed layga keeniyo

Midna amar Ilaahay

Kuma aad maqnaannine

Adigayska baaqdee.

Haddaad i tidhaahdo iman maayo,

Ma aadeen halkaad ogsoonayd.

Indhahaa habeenkii

Ku ilaalinaayoo

Dhammideed adduunyada

Afarteeda waaxyood

Hadba gees u eegee.

Anigaa isla hadloo;

Mar waxaan idhaahdaa

Ku illaawi maysee

Way imane sii joog,

Mar waxaan idhaahdaa

Axdigaydin dhigateen

Kolla oofin maysee,

Samir Eebbe qaadoo

Ka fogow agteedaan

Uurkayga geliyaa.

Arammida jacayl baa

I hoggaaminaysoo

Misna kuma adkaystoo

Kama hoydo aydoo

Naftu olol ma deysee.

Aammusnow habeenkii

Ugbaadka iyo dooggaa

Tiiraanyo ooyoo

Idilkood xiddigahaa

Afar qaaday socodkoo,

Ubax baan guroo

Soo ururiyoo

Amranow golii

Ooddii madhnayd

Ku ag daadiyoon

Ku ilaa xidhoon

Weheshada idhee.

Eedaanka diiggoo

Oogsaday salaaddiyo

Waagoo iftiimaan

Keligey inaan ahay

Asaraar ka saaroon

Addimmada cuskadayoon

Dib u soo arooree.

Bal sidey ahaataba,

Laba eeftey caawee!

Qof ammaano lumiyoo

Iibsaday xilkeedii

Samo uguma aayee,

Aan kala war haynnaan

Ku afgooyey heestee,

Maxay adiga kula tahay?

Luuqda: Max’d Rabshe 

Loox-ereyga: Max’d Ibraahin Warsame ”Hadraawi”

Laxanka: Cabdikariin Qaareey ”Jiir”

La Sameeyey: 1971

 

3 Responses to Hees Iyo Qoraal Max’d Rabshe (AXADDII)

  1. Pingback: Hees Iyo Qoraal Max’d Rabshe (AXADDII) - Daily Somalia Report

  2. Pingback: Skrota bilen

  3. Pingback: Bilskrot Göteborg