Heesta Ubaxa ardayda Puntland ay u qaadeen Prof Gaas iyo Heesihii Siyaadbarre loo qaadijiray oo isku mid noqday (Daawo)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Heeso,Important News,Wararka |

Bil Xaqiiqiyan Prof Gaas rag badan oo aan ka mid ahaa oo aad ugu farxay maalintii la doortay maanta waxaa nagu wada dhacay niyad jab.

Waxaan ka filaynay in uu noo horseedi doonno Nidaam iyo Kala danbayn laakiin hadda waxaa cad in uu lasoo baxay Sifiiyinka ay leeyihiin kaligii talayaashu.
Kaligii taliyayaashu waxay aad u jecelyihiin Amaanta xad dhaafkaa, iyo in ay waxwalba si kalinimo ah Go aan uga gaaraan.

Haddii uu Prof Gaas shacabka Puntland uu u horseedi lahaa nidaam ama System Hoos ka dhis kor u dhis oo ay Shacabku danahooda ay fushanayaan kaliya Madaxwaynuhu sharciga Illaalinayo ee aannu ruux walba magacaabayn ama waxwalba isagu go aan ka gaarayn, markaas reer Puntlad wuu u qalmi lahaa wixii ay prof-ka ka filayeen