Heestii X A Samatar / Max’d Mooge (AXADDII) IYO Salah Ibn Badiya -Intidari laylatal sabti

Filed under: Heeso,Important News,Wararka |

Maxamed Mooge

xasan-adan-samatar

AXADDII

Waa lay addimey
Axaddii sidaan
Kuu eegayee,
Araggeeda taan
Ku il-doogsadaay,
Ma illawsan tahay
Axdigaad martiyo
Meeshaad i tidhi,
“Waan imanayaa”.

Immisaad farriin
Ergo soo dirtood
Oontiyo biyaha
Hurdo aawaday
Uga soommanayd.

Eed layga keeniyo
Midna amar Ilaahay
Kuma aad maqnaannine
Adigayska baaqdee.

Haddaad i tidhaahdo iman maayo,
Ma aadeen halkaad ogsoonayd.

Indhahaa habeenkii
Ku ilaalinaayoo
Dhammideed adduunyada
Afarteeda waaxyood
Hadba gees u eegee.

Anigaa isla hadloo;
Mar waxaan idhaahdaa
Ku illaawi maysee
Way imane sii joog,
Mar waxaan idhaahdaa
Axdigaydin dhigateen
Kolla oofin maysee,
Samir Eebbe qaadoo
Ka fogow agteedaan
Uurkayga geliyaa.

Arammida jacayl baa
I hoggaaminaysoo
Misna kuma adkaystoo
Kama hoydo aydoo
Naftu olol ma deysee.

Aammusnow habeenkii
Ugbaadka iyo dooggaa
Tiiraanyo ooyoo
Idilkood xiddigahaa
Afar qaaday socodkoo,
Ubax baan guroo
Soo ururiyoo
Amranow golii
Ooddii madhnayd
Ku ag daadiyoon
Ku ilaa xidhoon
Weheshada idhee.

Eedaanka diiggoo
Oogsaday salaaddiyo
Waagoo iftiimaan
Keligey inaan ahay
Asaraar ka saaroon
Addimmada cuskadayoon
Dib u soo arooree.

Bal sidey ahaataba,
Laba eeftey caawee!

Qof ammaano lumiyoo
Iibsaday xilkeedii
Samo uguma aayee,
Aan kala war haynnaan
Ku afgooyey heestee,
Maxay adiga kula tahay?

Luuqda: X A Samatar / Max’d Mooge
Loox-ereyga: Max’d Ibraahin Warsame ”Hadraawi”
Laxanka: Cabdikariin Qaareey ”Jiir”
La Sameeyey: 1971

One Response to Heestii X A Samatar / Max’d Mooge (AXADDII) IYO Salah Ibn Badiya -Intidari laylatal sabti

  1. Pingback: Heestii X A Samatar / Max’d Mooge (AXADDII) IYO Salah Ibn Badiya -Intidari laylatal sabti - Daily Somalia Report