Heshiisdarro [Sheekaxariirooyinka Soomaalida]

Filed under: Wararka |

Cats and Monkey

Heshiisdarro [Sheekaxariirooyinka Soomaalida]

Laba bisadood baa habeen isa sii raacay. Guri bay u dhaceen oo hilib ka soo xadeen. Markii ay dibadda ula soo baxeen ayay mid waliba doontay in tan kale ka qayb badsato. Halkii bay isku laayeen, wejiyada ayay iska diirdiirteen.

Qaddar gaaban kolkii ay is xagxaganayeen, ayay midi tii kale ku tidhi: “Naa, waatan oo isku dhimannay oo isku xiiqnaye, aynnu garsoore iskula tagno, hilibka ha inoo kala qaybshee!” Bisaddii labaadna taladaa ayay ka yeeshey, qaadatay oo ku raacday.

Waxay u yimaadeen daayeer. Hilibkii bay isagii hordhigeen. Waxay weyddiisteen in uu si sinnaan leh hilibka ugu qaybiyo. Daayeerkii middi iyo miisaan ayuu soo qaatay. Hilibkii buu laba u kala qaybshay. Qaybba kafad ayuu saaray. Kolba dhinac ayuu in weyn ka jaraa oo uu cantuuggaa, ilaa uu hilibkii sidaas ku idleeystey. Markaas ayuu bisadihii ku yidhi: “Sidaas ayaanay midkiinna qayb dheeraad ah ku raacayn”.

Markaas ayaa labadii bisadood ciil iyo cadho uga baxday. Waxay sameeyaanna way garanwaayeen. Mid baa tii kale ku tidhi: “Bal haddaynnu kolkii hore innagu qunyar u heshiin lahayn, waxaas oo khasaaro ah inama qabsadeen oo inama soo gaadheen”. Markaas ayay tii kale tidhi: “Allaylahe, waa runtaa”.

Maxamed C. Xasan “Alto”

London, UK, 02.11.2004

xasan_maxamed@hotmail.com