Heshiiskii shidaalka Somalia iyo Conoco Qormo Muhiima +video( Somalia and Conoco Oil Agreement)

Filed under: Important News,Wararka |

-Kadib markii aduunku ka yaabay Soomaalidaan dhowrka million ee illaahay waxaan oo nimco ah siiyay ayaa la qorsheeyay in la boobo.

-Waxaa la qorsheeyay in wabiyada Soomaaliya la Boobo, oo biyo xireenkii Faanoole fari kama qadna waa tii dhanka Ethiopia laga dhistay.
-Badda waynanka badana waa tan la boobo.
-Soomaalidina waxaa lagu boobaa siyaasi dayuusa oo lasoo maalgaliyay si uu u booba dhamaan masiirkii iyo awooddii siyaasadeed ee Soomaali lahayd si Somalia loo boobo, iyo wahaabi wadaada oo ay Saudi Arabia Soo maalgalisay si aan Somalia batrool looga soo saarin waa ujeedka Sacuudigu uu kooxaa Wahaabiyiinta ee magacyada badan ugu soo maalgallinyo somalia oo waliaba uu sacuudigu hadda laba u qaybshay koox alshabaab la baxayy, iyo kooxo la baxay damjadiid, aalsshiikh, itixaad, icrisaam kooxahanoo hadda laba wareegay Siyaasadda iyo dhaqaalaha Somalia.
-Siyaasigaas dayuuskaa ayaa loo isticmaalaa qorshaha Soomaalida qabaa-ilo la isugu dirayo, dabadeedna loo boobo mustaqbalka

-Hadana waxaa loo dig iyo damleeyahay waa shidaalka sidii loo boobi lahaa.
-Qolooyinkaan iimaanka la ee raba in ay boobaan shidaalka Somalia, balse xitaa Soomaalidu waxay ogashahay illaa maanta in ay 50% shidaalkaas iyo wixii kale ee ay maal gashanayaan qaataan qaataan.
-Hase yeeshee shirkadahan iimaankii ka tagey ee maafiyadaa waxay rabaan in ay qaataan 95% wixii illaahay dhulkaas soomaalida siiyay, iyago isticmaalaya Siyaasi dayuusa oo isna iimaankii ka tagey

Hadaba daawo filimkaan hoose

Eeg qoraaladan hoose

Somalia May Pay 90% Oil Revenue to Explorer Under Draft Deal

Ama
Majaajiliistaha Caankaa Jimmy Dore Show Oo Sheegay Kaydka Batroolka Aduunka Ugu Ballaaran In Uu Ku Jiro Badwaynta India Ee Soomaaliya (Daawo)

Ama

Halkaan ka eeg qaybo ka mida qormaayin ku saabsan Shidaalka Somalia

Xalka.
1)
Xalka Soomaalida wuxuu ku jiraa Soomaaliya oo loo sameeyo Gobaladaan.
Gobalka Jubbaland.
Gobalka Koonfur-Galbeed.
Gobalka Hirshabeele
Gobalka Galmudug.
Gobalka Puntland
Gobalka SSC.
Gobalka Somaliland-
2) Somalia oo loo sameeyo Gole Deegaan Siyaasadeed (constituency) akhri qormadaan, oo markaas xildhibaanda 320-kaa uu xildhibaan kasta wakiil kayahay 12000000/320=37000 ama markii inta si saxa loo tirakoobo soomaalida meeshii ay deganyihiin 37000 oo Soomaaliyaba loo sameeyo hal Gole-deegaan Siyaasadeed (constituency) laga soo doorto halkaas xildhibaan.
Waayo meesha kaliya ee laga sixi karo Soommaaliya waa iyadoo sharcigu uu shakhsiga ka sareeyo, laakiin waa in ay dadkii saxda ahaa noqdaan sharci dajiyayaal ama xildhibaan.

Marka lasoo xulayo xildhibaanka xildhibaankii ama cidii kale ee lagu helo in ay doorashada ku raadinayaan musuqmaasuq xitaa qoorta halaga jaro, waayo bini aadanku waa baqaan waana qalad in la musuqmaasuqo misiirka iyo wadajirka umad dhan oo masaakiin wixii nidaankooda iyo qarankooda iyo midnimadooda hagaajinlahaa, waayo Soomaalidu waa dadka kaliya ee illaahay mideeyay maadaama ay isku Qowmiyad yihiin, isku diin arragti iyo luuqad yihiin, halka Ethiopia ay ku nool yihiin 80 Qowmiyadood, Kenyana ku nool yihiin 70 Qowmiyadood, marka waxaa soomaalida kala qaybinaya siyaasi aan sharciga illaalinayn ee si uu wax u boobo umaddii qabiilo u kala qaybinayo awooddiina boobaya

Markaas ayaan aaminsanahay in si fudud syaasadda Soomaaliya loo hagaajinkaro

Markaas shirkadaha dunida ee raba in ay Soomaaliya maal gashadaan yaa u diidaya si daacada ha u maal gashadaan oo batroolka Somalia ha qaataan inta aduuka kale ay shirkaduhu qaataan.