Himilooyinkii Madaxwayne Gaas 2014, maxaa ka hirgallay (Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

Waxaan muddo 5 sano ah P/O ku baahinaynay muhiimadda taabagallinta hanaan sharcigu shakhsiga ka sareeyo.

Dunida aan ku noolnahay dawladdu waxay ku shaqaysaa shuruuc ama sharciyo qeexan oo ay Golaha Sharci Dajintu si cadaalada uu eegaan markii ay wasaaradda cadaaladu usoo gudbisay, isla markaana uu Garsoorkuna si fiican u eegay, tusaale sharciga gaadiidka dadwaynaha, yaa gaadiid dadwayne ruqsadiisa loo ogalaanayaa?, ma kambani mise shakhsi?, sharcigaas oo dhamaystiran waa in uu jiraa, oo ay Golha sharci dajintu meel mariyaan, garsoorkuna eego.
Hase yeeshee xukuumaddii Siyaad Barre qudheedu waxay ku shaqayn jirtay sharciyo laakiin ma aynan ahayn sharciyo ay hay’ado kala madax banaan dusha ka eegaan ama meel mariyaan, ee waxay ahaayeen kuwo uu marxuum Siyaad Barre dusha kawada eego oo uu meel mariyo.
Hanaanka dawladeed ee ay hadda Soomaalidu qaadatay waa mid la nooca kuwa dalalka reer Galbeedka ee ay hay’ado kala madaxbanaan ay dusha ka eegayaan sharciyadii ee aynan waxwalba Madaxwaynaha un hoos imaanayn, madaxwaynaha shaqadiisu waa dusha ka illaaliye hay’adahaas.

Waxaana muhiima in uu Musharaxu qorshahiisa siyaasadda ku cadeeyo marka uu musharaxa yahay talaabooyin cad ee uu ku dhaqaaqayo markii uu xukunka qabto.

Laakiin markii aan dhagaystay khudbaddii tartankii dorashada Puntland ee madaxwayne Gaas 2014, xaqiiqiyan si wanaagsan buu ugu hawl gallay dhammaan himilooyinkii markaas miskaxdiisa ka guuxaysay.
Laakiin shacabku maba yaqaanaan hanaanka dawladeed ee dastuurkeena ku dhigan iyo hay’adaha kala madaxbanaan hanaanka ay u shaqeeyaan.

Hirgallinta Hanaan dawladeed oo sharcigu shakhsiga ka sareeyo wuxuu ka billowdaa.
1) in shacanka la diiwaan galliyo oo la tira koobo, hadaad dhagaysato khudbadda madaxwayne Gaas meelna kagama jirto in shacabka la diinwaangalliyo.
2) Shacabka oo loo sameeyo cinwaan shakhsiyadeed xitaa Email ha noqdo, ama Taleefon, Kaasina Khudbadda Gaas meelna ugama jiro.
3) Taabagallin Constituency Gole deegaan siyaasadeed, si mustaqbalka si daacada lowgu doorto xildhibaanka oo uu xildhibaanku uu wakiil ka yahay ugu yaraan 30 kun oo shacab oo degan meel la ogyahay, ee aanu noqon xoldhibaanka nooca loo yaqaan xildhibaanka hawada ee aan wakiil ka ahayn dad degmo hebel degan –> akhri Qormooyin ku saabsan Constituency
4) Taabagallin Hanaanka Asxaabta baddan, waa ay ku jirtaa khudbadda Madaxwayne Gaas balse haddii qodabada 1,2,3 aynan jirrin macquul ma ahan in la hirgalliyo hanaanka asxaabta baddan.
5) Sidii si billaa musuqmaasuqa oo saxa lowgu soo xulli-lahaa xildhibaanka in hadda laga shaqeeyo –> kuma jirto khudbadda Madaxwayn gaas.
6) Hirgallin maamulo Gole deegaano degmo oo madaxbanaan, haddii aan la hirgallin 1,2,3 macquul ma ahan in goleyaasha deegaanka la hirgalliyo.
7) Dib u eegid dastuur —-???

Isku soo duub runtii haddaad si fiican u dul istaagtid Madaxwayne Gaas khudbaddiisii tartan doorashadaii Puntland 2014 si daacada, waxaan is leeyahay sidii ay ula muuqatay in dalkaan lagu horumarinkarro inta tabartiisa waa uu isku dayay, waxaana ka mida khudbadihiisii horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxbadana waa ka qabtay, waana qayb muhiima qudheedu.
Marka madaxwaynuhu haddiii uu u maamulay hanaankii dawladnimo sidii ay isaga ula muuqatay in dalka lagu horumarrin karo isagu wax eeda kuma laha laakiin shacabka ayaa la doonayaa hadda kadib in ay akhriyaan baahidooda iyo halka ay u socdaan dabadeedna doortaan madaxwaynaha ku habboon.
Dhanka kale haddii ay shacabku qaataan 80 million$ oo laaluusha marka ay doorashadu socoto, dabadeedna ay sugaan in si daacada lowgu adeego suurtagal matahay??.
Haddii ay qaameeyeen Madaxwaynihii ay doorteen iyo Xildhibaanadii ay doorteen oo ay kasii qaateen 100 million$ oo laaluusha.
Madaxwaynaha iyo xildhibaanadu sow xaq uma laha in ay lacagtooda iyana soo ceshadaan.
Marka eedda ma shacabka iyo isimada qaatay kharashaadka iyo laaluushka markii doorashadu socotay baa leh, mise xildhbaanada iyo madaxda xilka loo dhiibay iyagoo qaamaysan baa leh.

Siyaasi Cabdiraxan Gablax ayaa muddo badan ka talabixiyay muhiimadda shacabka oo la diiwaan galliyo halkaan ka eeg.

Cabdiraxmaan Gablax oo Ka Tala Bixiyay Sida Saxdaa ee Barnaamijka Xisbiyada Badan Puntland looga hirgalinkaro (Dhegeyso)

 

 

Dhagayso: Khudbadihii Doorashooyinka Puntland 2009, Khudbadii Faroole, Khud- Farjac, Khud- Awaare, Khud-Ilkajiir, Khud-Nuuradiin