Horta Alshabaab Maxaa loola Doodi Waayay (Qormo kooban)

Filed under: Important News,Wararka |

Maadaama ay xarakada Alshabaab hadda koonfurta Soomaaliya ayba si dadban u haystaan oo uga taliyaan, maxaa diidaya in lala doodo oo saxaafadda si toosa loogala doodo.

Alshabaab dumarka iyo caruurta ayay ugu sheekeeyaan waxaan la dagaalamaynaa Maraykan?????.
Alshabaab Maraykan mmaxay kula dagaalami karaan, Maraykan Diyaarado iyo Nukliyeer buu haystaa, maxaa loo waydiin waayay horta kooxaha Alshabaab bal in ay taageerayaashooda u fasiraan qaabka ay Maraykanka kula dagaalamayaan maadaama aynan xitaa samayn karin xabad nac nac ah.
Maraykan laba gantaal oo uu ku rido qaaradda africa ayaa ku filan Africa oo dhan hal qof kama harayo.

Alshabaab maxaa loo waydiin waayay bal noo fasira habka aad Maraykan Kula dagaalamaysaan.
Alshabaab maraykan ma waxay kula dagaalamayaan in ay inta caruur darooga siiyaan oo soo miineeyaan ay markaas ilmihii yaraa ku qarxiyaan makhaaxi ay ka buuxaan dumar iyo caruur masaakiina oo ay Ilmihii yaraa ee ay miinaada kusoo xireen iyo dumarkii iyo caruurtii masaakiinta ahaa ee makhaaxida ka buuxay ay ku gumaadaan?????????.

Bal horta sow ma habboona in Alshabaab lala doodo, oo su’aalo badan la waydiiyo oo laga dhagaysto bal qorshaha ay Maraykan iyo Gaalo kula dagaalamayaan oo illaa maraykan ku qabsanayaan.

Nafta bini aadanka.
Horta yaa qof bini aadana u ogol in uu naftiisa gooyo, yaase u baneeyay in dad masaakiina oo masaajid ku cibaadaysanaya inta biskoolad aad qaadato aad ku gumaado.

Amaa la gaaray xiligii kooxaha taageera fikirka Alshabaab si toosa loola doodi lahaa oo saxaafadda lakeeni lahaa si loo dhagaysto fikirkooda qaldan ee ay lasoo shirtageen.

Inta badan Alshabaab waxay raadsadaan ilmaha yar yar ee aan wali caqli ay waxku kala saaraan yeelan, dumarka iyo dadka xooggaa isla hadlay oo dunida ku wareeray si ay markaas uga faa-iidaystaan iyagoo ka dhaadhicinaya in aynan dunidaan wax qiima ah lahayn ee ay nolisha aakhiro ka fiicantahay iyagoo markaas danahooda goonidaa diinta usoo maraya.