Idaacadaha BBC iyo VOA oo Galka Seefta Kala Baxay Buunbuuninta Kala Qaybinta Soomaaliya, 25 kii Sano ee u Danbaeeyay xiligii abid Soomaali ugu xumaa(Maqaal Muhima akhri)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Daarood lakala qaybshay
25-kii Sano ee u buuxsantay ictiraaf raadiska Somaliland, waxay ahayd 25-kii sano ee laga shaqaynayay burburinta qarankii Soomaalida iyo wada jirka midnimadii Soomaalida, waxayna ahayd 25kii sano ee ugu dhibka badnaa qawmiyadda soomaalida.

Iyadoo ay fikirka Gooni Isutaagga Soomaaliland ay wadeen siyaasiin Soomaalida maanta halkaas dhigay.
Siyaasiyiintaas ayaa ku dooda 25 sano ayaan raadinaynay ictiraafka Soomaaliland, laakiin 25-kaas sano waa 25 sano ee ay la hareen dhamaan shacabkii Soomaali la oran jiray iyo mustaqbalkoodii maadaama kooxaha gooni isutagga raadinaya ay ka shaqaynayeen burburinta waxkasta oo keeni kara qaran soomaaliyeed, waxayna ahaayeen taageerayaasha hogaamiye kooxeedkii Muqdisho, iyo waliba xoog iyo baad ku qabsasho deegaanada beelaha Dhulbahante, Warsangali iyo Godabirsi iyo Ciise, iyo waliba caburinta fikirka beesha Garxajiss iyo taageeradoodii Soomaaliwayn.

Fikirkaan gooni isutaagga Soomaaliland ayaa waxaa si dadban oo aan gabasho lahyn u taageera dalalka maanta dunida ugu awoodda badan, iyo dalka Ethiopia si Qowmiyadda Soomaalida wadajirkooda loo wiiqo, iyadoo ay siyaasiin kooban ee Ethiopiaan ah u arkaan wadajirka Soomaalida khatar geeska africa ah.

Waxaana cajiiba laamaha Voa iyo BBC oo galka seefta kala baxay oo 100% kaba horeeya mawaadiniinta reer Hargaysa ee caadigaa oo iyagu aanba wax saa u wayn u arrag haddii Soomali dhawr dal laga dhigayo iyo haddii hal dal laga dhigayo.

Kooxahan BBC-da iyo VOA ayaan marna wax waraysiya la yelan fikirka malaayiinta Soomaalidaa ee diidan fikirka qaldan ee halka beel Soomaaliyeed siyaasiyiintooda u goonidaa iyo kooxaha beesha caalamka ee maalgaliya fikirkaas.

Waxaana cadayn ah in Fikirkaas ay gacmo shihseeye gadaal ka riixayaan suldaanka guud ee beelaha Soomaaliland oo sheegay in uu doorbidayo wadajirka umadda soomaalidaa iyo waliab Boqor buurmadow boqorka Beesha Habarjeclo oo ah beesha labaad ee ugu deegaanka ballaaran beelaha reer shiikh isxaaq marka laga yimaado beesha Garxajis.

Si kastaba ha ahaato halyayga loo dhiso taalada waa ninka umad ama qowmiyad mideeya ee ma ahan doqonka kala qaybiya qawmiyadiisa uu ka soo jeedo, kaasi waa mid taalo fool xun loo dhisi doono.

Dhulak ballaaran ee ay qowmiyadda soomaalidaa maanta degantahay rag halyayo ah ayaa usoo dhintay.

Musharax madaxwaynaha maraykan Donal Trump ayaa ku faana waxaan ahay mideeye, waana nin caqli badan oo eray aad u wanaagsan doortay hoos ka daawo.

Kooxaha Siyaasiyiintaa ee Xildhibaanada Ingiriiskaa ee waqtiga galiya kala qaybinta Soomaalida, waxaa xasuus wanaagsan ugu filan sanadkii hore markii qolo damacday in ay qayb ka mid ah ingiriiska la go’do, oo dalkii oo dhan khal khal galiyay.

Kooxaha arragtida gaaban ee Siyaasiyiinta beelaha Habargidir iyo Isaaq kasoo jeeda ee ay beesha daarood xurgufta siyaasadeed ka dhaxayso ayaa u arka muqadis in beesha daarood lakala qaybsho, sidoo kalena waxaa fikirkaas sax u arka kooxo siyasiyiina oo isugu jira Kenya, Ethiopia iyo reer Galbeed, daawo maapka beesha daarood lagu kala qaybshay.

Fikirka noocaana ninka Soomaaligaa ee sidaa u arka waa ruux arragti gaaban oo aan arragti fog lahayn, waayo qabiilku sidiisaba wax meel ku eg ma ahan, oo hadaad markii horeba qabiil awgiis aad Soomali uga go’day sow fikirkii qabiilka dadkaagii kama dhaadhicin oo cudurkii dadkaagii oo dhan kuma beerin, hadde xanuunkii hadana adiguu kudhex jiifaa oo adigii buu hadana ku cunayaa.

fikirka qabiilka waxaa wanaagsan in aad marka horeba aadan siyaasad marna u isticmaalin oo siyaasadda waa laga fogeeyaa waayo siyaasad iyo qabiil meel ma wada galaan, oo hadhow intii qabiilka isku raacday baa hadana sii kala baxaya waayo waa noocaas fikirka qabiilka sidiisaba waxaana wanaagsan in aynan hal qabiil oo waliba cuqdad qabiil qaba aynan hal goob ku kaliyaysan, waayo waa xanuun ama jiro oo hadhow idinkii baa iskula soo jeedsanaya.


Daarood lakala qaybshay

One Response to Idaacadaha BBC iyo VOA oo Galka Seefta Kala Baxay Buunbuuninta Kala Qaybinta Soomaaliya, 25 kii Sano ee u Danbaeeyay xiligii abid Soomaali ugu xumaa(Maqaal Muhima akhri)

  1. Pingback: Idaacadaha BBC iyo VOA oo Galka Seefta Kala Baxay Buunbuuninta Kala Qaybinta Soomaaliya, 25 kii Sano ee u Danbaeeyay xiligii abid Soomaali ugu xumaa(Maqaal Muhima akhri) - Daily Somalia Report