Ilaahay Ma Loo Noqonayaa By Cali Xuseen Xirsi “Cali Makaadsade”

Filed under: Important News,MAANSOOYINKA,Wararka |

abaar

Ilaahay Ma Loo Noqonayaa

Nimanyahow abaaraha dhaciyo, beliyo aafaadka
Dabka ololi uumiga ka karay, aradka guudkiisa
Raxmaddii Ilaahay waxay, noogu iman wayday
Ee adhiyo geelii marshaye, eberka noo saaray
Arradka iyo gaajada waxaa, nagu alhuumeeyey
Geeduhu waxay u engegeen, ubaxna loo waayay
Oo ay ugaadhu u bakhtiday, ayda miranaysay
Eelkaa wixii dhigey haddaan, idin ogaysiiyo
Ilaahay ma loo noqonayaa, Axadki weeyaane.

Haddii ay Islaannimo jirtoo, la ijtihaadaayo
Ashahaadda iyo tawbaddii, lama illaaweeyne
Ilaahay ma loo noqonayaa, Axadki weeyaane.

Goortay ilma-adeeradii, uurka ka colowday
Igaar waliba kii xigey markuu, dhacay adduunkiisa
Goortii ammaanada la cunay, ehelku kuu dhiibtey
Inkiraadi goortay timee, aammin la is-waayay
Afka buuxi mooyee markay, aayar socon wayday
Inay samadu naga oodantaa, waa abaalmarine,
Ilaahay ma loo noqonayaa, Axadki weeyaane.

Alalaasku goortuu ka karay, or iyo duullaanku
Nimaan Ayra kaa dhicin markii, udubka loo saaray
Oofaha markay kala heleen, kaalka la afeeyey
Goortay asayda u xireen, ooriduu mehershey
Maatadu markay ooyayeen, loo arxami waayay
Markii abbayaal lagu dilee, gaban agoomoobay
Inay samadu naga oodantaa, waa abaalmarine,
Ilaahay ma loo noqonayaa, Axadki weeyaane.

Axdi nimaad lahaydeen markuu, oofin kari waayay
Aayadaha diinta ah markii, Ii-da (Eng.) laga doortay
Isimkii Ilaahay markii, la istixayn waayay
Akalkaad cunayseen markii, loo abtirin waayay
Inay samadu naga oodantaa, waa abaalmarine,
Ilaahay ma loo noqonayaa, Axadki weeyaane.

Aakhiro illowdiyo Jannada, aqalladeediiye
Addimaadda goortuu wadaad, idin ogeysiiyo
Aadaanka oo eedhey baad, orod ku dhaaftaane
Eygii hadduu idin duwaday, Aadanba habowshay
Oo uu Iblays idinku muday, shalay iraabkiisa
Inay samadu naga oodantaa, waa abaalmarine,
Ilaahay ma loo noqonayaa, Axadki weeyaane.

ilaahay-ma-loo-noqonayaa

Cali Xuseen Xirsi “Cali Makaadsade”

Halkaan ka akhriso qormooyinkii hore ee Cali Xuseen Xirsi “Cali Makaadsade

One Response to Ilaahay Ma Loo Noqonayaa By Cali Xuseen Xirsi “Cali Makaadsade”

  1. Pingback: Ilaahay Ma Loo Noqonayaa By Cali Xuseen Xirsi “Cali Makaadsade” - Daily Somalia Report