Ingiriis oo Kismaayo kawada Qaybi oo Xukun

Filed under: Important News,Wararka |

Si aad u fahantid Qaybi oo Xukun akhriso maqaalkan.

Boqortooyaddii Ingiriiska ayaa dunida kaga soo adkaatay fikirkaan yar ee sahlan ee Qaybi oo Xukun.
Moddo wiig Gudihiisa waxaa Kismaayo gaaray Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya si uu Axmed Madoobe iyo Jubbaland ugu qalqaaliyo in ay Qaataan Nidaamka 4.5 halkaan ka daawo Odayaasha Jubbaland oo aad uga xumaaday sida ay Beesha Caalamka wax u wadaan..

Hadana maanta waxaa Kismaayo tegay Ergayga gaarka ee UN-ta u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo kasoo jeeda dawladda Ingiriiska.

Michael Keating ayaad mooddaa in uu dhawr arrimoodba ka shaqaynayo.
1) in uu kala jabiyo Beesha Daarood oo Axmed Madoobe laaluusho si ay halkaas ugu kala jabaan beelaha Jubbaland iyo Puntland.
2) in uu Nidaamka 4.5 taageerayaal badan u helo si markaas Puntland kaligeed looga dhigo.

Dhanka kalena Dawladda Ingiriiska ayaa ah Taageeraha koobaad ee Somaliland, oo markaan ciyaaraysa in hal waraf dhowr shimbirood lagu dilo, in marka ay koonfur khal khal siyaasadeed gasho markaas Somaliland sidaas lagu aqoonsado.

Soomaalidaa waxay ku maahmaahdaa WAXAAD BARATAY WAA BAASKAA, marka in uu Ingiriis wali 100 sano kadib maanta Soomaali oo dadka dunida ugu fakhrisan ah oo waxa Soomaali halkaa dhigay uu inteeda badan sababteeda Ingiriis leeyahay waliba si gaara Beesha Daarood oo uu Ingiriis afar Qaybood u qaybashay, in uu hadana wali sii daban daabyeeyo waa wax cajiiba.

Waxaa jirtay maah maah tiraahda JINNI NINKII KEENA AYAA BIXIYA.
Markii hore waxaan islahayn Ingiriisku markaan Soomaaliya Dawlad buu u dhisayaa, isna waa ku danaysanayaa, laakiin waxaad mooddaa in uu Ingiriisku Dibin daabyayntiisii hore uu wali wado sida uu hadda wax u wado, iyo jarahaan la ciyaarayo.

Alshaab oo deegaamo badan loo banaynayo
Axmed Madoobe oo la laaluushayo.
4.5 oo la taageerayo
Ciidamada Ethiopia oo aad dalka loosoo galinayo.
Ethiopia oo warshad hubka samaysa loo dhisayo halkaan ka daawo.

Dad badan baa durba dareen culus bil xaqiiqiyan soo galay

One Response to Ingiriis oo Kismaayo kawada Qaybi oo Xukun