Is bar Bar Dhig Nidaamka Doorasho ee Maraykanka Iyo Finland Kee Hanaan Cadaaladeed U Dhaw

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Aduunka waxaa ugu wanaagsan Cadaaladda iyo Runta.

Maraykanka iyo doorashada madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa

Nidaamka doorashada ee Maraykanka ayaa ku salaysan hab la yiraahdo electoral college oo micnaheedu ka dhigan yahay doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose iyo Aqalka sare (representation in the Senate-upper chamber- and House of Representatives lower chamber) oo ka kooban 538 Xildhibaan kuwaas oo aakhirka doorta Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa, inkasta oo ay labada Xisbi ka kala tirsanyihiin hadana marka ay xildhibaanka shacabku doortaan wuxuu doorankaraa Mushraxiinta Madaxwayne midkii uu doono.

Hadaba aqalka sare ee Maraykanka (upper chamber) ama (United States Senate) ayaa wuxuu ka kooban yahay 100 xildhibaan waayo maraykanka ayaa ka kooban 50 dawladood oo isku tagay, markaas 50 kaas Dawlad gobaleed ayaa mid walba waxaa dastuurka maraykanka sheegayaa in dawlad gobaleed kasta loo qoondeeyay 2 xildhibaan aqal sare iyadoon loo eegayn tirada dadka ku nool ama ha yaraadeen ama ha bateen.

dhanka kalena aqalka hoose (United States House of Representatives) ama lower chamber ayaa ka kooban 430 xildhibaan.

Hadaba sidee xildhibaanada lowgu kala qoondeeyaa 50 Dawladood ee Maraykanka ama 538-xildhibaan sidee lowgu qoondeeyaa Xildhibaankasta Gole Deegaan Siyaasadeed (constituency)

Dhegeyso Cabdiraxmaan Gablax oo Sifiican u sharaxaya sida ugu habboon ee wanaagsan in Puntland 66-ka xildhibaan Gole deegaan siyaasadeedyo lowgu sameyn-karo

Maadaama xildhibaanada Maraykanka Madaxwaynaha dooranaya ay ka koobanyihiin 538 xildhibaan shacabka maraykankuna uu yahay 320 million, hadii la isku qaybsho halkii xildhibaan waxaa ku soo hagaagaysa 600 oo kun oo qof, calashaan waa in meeshii ay ku nool yihiin illaa 600 oo kun oo qof loo qoondeeyaa hal gole deegaan siyaasadeed ama in hal xildhibaan xaafadaas ama Gobalkaas laga soo doortaa.

Laakiin maadaama Dastuurka Maraykanka uu qorayo in Dawlad Gobaleed kasta loo qoondeeyo 2 xildhibaan aqalka sare iyo ugu yaraan halxildhibaan aqalka hoose, iyadoon loo eegayn tirada dadka ku nool, waxaa meesha ka baxaya in tiro cayiman loo qoondeeyo Gole deegaan siyaasadeed kasta.

electoral-college
Sida sawirka kore ka muuqata Dawladaha qaarkood inta Gole deegaan siyaasadeed loo qoondeeyay Dawlad Gobaleed kasta iyo dadka ku nool, waxaanad arkaysaa celcelis in Gole deegaan siyaasadeed kasta loo qoondeeyay 600 oo kun oo qof oo kasta ay soo doortaan hal xildhibaan, inkastoo Dawladaha qaarkood ay halkii xildhibaan laga soo doorto meel ay ku nool yihiin 325 kun oo qof sida state-ka Maine ee sawirka hoose halka state-ka Florida ay halkii xildhibaan laga soo dooranayo meel ay ku nool yihiin 700 oo kun oo qof, inkastoo dhanka kale cecelis ay u badan yihiin halkii xildhibaan in laga soo doorto meel ay ku nool 600 oo kun oo qof oo uu wakiil ka noqonayo.
Arrinka kale ee isna cajiibkaa ayaa ah in marka ay socaoto doorashada madaxwaynaha ee Dawlad Gobaleedyada ka socda ay markaas Musharaxiinta madaxwayne ku tartamayaan tirada xildhibaano ee u codaysa oo Musharaxii hela 270 xildhibaan uu Madaxwayne noqonayo, laakiin waxaa cajiiba oo xaqdaro ah haddii matalan Dawlad Gobaleedka Ohio oo loo qoondeeyay 20 Gole deegaan Siyaasadeed ama 20 xildhibaan ayaa waxaa codadka 20-ka xildhibaan qaadanaya Musharixii hela 11 Xildhibaan ugu yaraan ama 51% oo markaas macaa kuwii aan isaga u codayn ninka 11 xildhibaan helaa lowgu darayaa, waana arrin aan sax ahayn oo cadaalad ahayn ee xooggaa qaab khamaar u eg.

Maraykanka ayaa xildhibaan kasta u qoondeeya Gole deegaan cayiman oo hal xildhibaan kaliya laga rabo, halka Finland dalka loo qaybshay 15 Gole deegaan siyaasadeed oo Gole deegaan siyaasadeed kasta loo qoondeeyay tiro xildhibaano cayiman in ay ka tartamaan matalan Gole deegaan siyaasadeedka Helsink waxaa ka tartamaya 22 Xildhibaan.

Isku soo duub arrinkaas si fiican uga daawo halkaan -> The Trouble with the Electoral College

Finland iyo Doorashada Madaxwaynaha iyo Raysalwasaaraha

Finland waxaa ka jira nidaam doorasho ee cadaaladeed midka aan isleeyahay waa midka dunida aan maanta ku nool nahay ugu wanaagsan.
Finland waxaa ka dhaca 3 doorasho
1) Doorashada Madaxwaynaha ayaa 6-ii sanaba mar la qabtaa
2) Doorashada xildhibanada baarlamaanka oo marka danbana xukuumadda iyo Raysalwasaaraha iska dhex dooranaya dhexdooda ayaa 4-tii snaba mar la qabtaa.
3) Doorashada golayaasha degmooyinka oo 4-tii sanaba mar la qabto.

1) Doorashada Madaxwaynaha see u dhacdaa Finland
6-dii sanaba mar ayaa la qabtaa doorasha Madaxwayne oo ay shacabkoo dhan doorashada ka qayb qaadanayaan.
Marka koobaad ayaa waxaa isa soo sharaxa tartamayaasha Musharaxiin Madaxwyne, iyadoo doorashada hanaan laba wareeg layiraahdo loo qabto, Musharax kasta waa in uu ka midyahay mid kamida xisbayada ka jira, dabadeedna wareega koobaad ayay dhamaan musharaxiinta Madaxwayne tartamaan, waxaana wareegga labaad u gudba labada musharax ee ugu codka badan.
Wareegga labaad ayaa waxaa tartama labada Musharax Madaxwayne ee ugu codka badan, waxayna doorashadii ugu danbaysay Finland ka dhacday 2012 waxaana ku guulaystay Sauli Niinisto oo ah Madaxwaynaha Finland
Madaxwaynaha Finland ayaan inta badan marna faragashan hawlaha xukuumadda ee kaliya ku ekaada shaqada uu dastuurku u qoondeeyay oo aan saas u badnayn
2-Doorashada Xildhibaanada baarlamaanka oo tiro ahaan ka kooban 200 oo Xildhibaan,
Maadaama aynan Finland Federaal ahayn sida maraykanka ayaa waxaa loo qaybshay 15 Deegaan Gobaleed Siyaasadeed, waxaana deegaan Gobaleed siyaasadeed kasta loo qoondeeyay in laga soo doorto Xildhibaano cayiman, iyadoo tusaale ahaa deegaan Gobaleedka Uuden-Maa loo qoondeeyay 35 Xildhibaan in laga soo doorto, sida halka deegaan siyaasadeedka Oulu loo qoondeeyay 18 Xildhibaan.
ISku soo duub, Ruuxa Xildhibaan qaran isku sharaxaya waa in uu marka hore deegaanka uu daganyahay xisbiyada ka jira mid kamida ku biiro, dabadeedna uu helaa codad farabadan celcelis haddii shacabka iyo 200 oo xildhibaan la isku qaybsho halkii xildhibaan waxaa ku soo aadaya 27000 maadaama shacabka Finland yihiin 5,45 million, laakiin waxay ku xirantahay dadka codeeya tiradooda oo marka u danbaysa ee ay shacabku codeeyaan ayaa waxaa la eegaa Tiradii xildhibaan ee Gole siyaasadeedkaas looga baahnaa iyo tirada dadka codeeyay, iyadoo markaas ka dib lagu dhawaaqo xildhibaanadii ugu codka badnaa.
Kadibna raysal wasaaraha iyo xukuumadda waxaa soo dhisa xisbiga ugu codka bata xisbiyadii tartamay iyadoo xisbigaas laga rabo codadka xildhibaanada 51% oo markaas haddii uunan helin tiradaas uu markaas dooran karo qaar ka mida xisbiyada kale si ay markaas xukuumadana usoo wada dhisaan oo wasiirada u qaybsadaan inkastoo uu Raysal wasaaraha qaadanayaan Xisbiga ugu codka bata.

Waana sababtaas sababta xildhibaanada ay qaarna codad tirabadan ay markaas ay xildhibaan ugu noqdaan qaar cod aad u yar, waayo waxaa la eegayaa xildhibaanadii ugu codka badnaa, markaas ayaa waxaa la eegayaa tirada laga rabay Gole deegaan, oo tusaale haddii Gole deegaan siyaasadeedkaan looga baahnaa 15 xildhibaan dababdeedna waxaa la qaadanayaa 15-kii ugu codka badnaa, waxaana dhici karta in xildhibaanka 1aad ee u horeeya ay 20 kun u codaysay, halka xildhibaanka ugu danbeeya ee 15 ay 1000 ruux oo qura u codeeyaan, sidaas ayayna labadaas ninba baarlamaanka ku wada galayaan.
3) Doorashada Golayaasha degmooyinka ayaa iyana Finland 4-tii sanaba mar ka dhaca, waxaana ay doorashooyinka degmooyinku ka qabsoomaan 320 degmo oo Finland ku yaal, waxaana ay degmo kastaa doorataa dawad madax banaan oo si madax banaan u maamusha arrimaha degmadaas.

Isku soo duub haddii aan is barbardhigno Finland iyo Maraykanka, waxaan oran karnaa labadaba waxaa ka jira nidaam dimoqraadiyadeed iyo shacab illaashada nidaamkooda, hadana waxaad mooddaa in Finland ay waxoodu banaanka yaalaan oo sidii ugu cadaaladsanayn oo loo qaabeeyay.

Tusaale doorashada Madaxwayne ee Finland waxaa doorta shacabka, halka maraykanka ay doortaan Madaxwaynaha Xildhibaano shacabku soo doorteen balse ciday rabaan u codayn kara.

Finland ayaa waxay Raysal wasaaraha soo magacaaba xisbiga ugu codka badan, Raysal wasaaraha iyo Madaxwaynaha ayaa kala madax banaan

Isku soo duub Finland ayaa hadda lagu tilmaa dalka kaliya ee uu dunida ka jiro nidaam dawlad cadaaladeed oo aynan koox gadaal ka maamulin, waxaana shacabka Finland ay wada illaashadaan in aynan cidna musuqmaasuqin nidaamkooda.

Dalka Finland ayaa qofkasta ka qaybqaataa illaalinta dalka, qofkii laan yar jara ama qalad yar sameeya waxaa markiiba runta u sheegaya shacabka iyadoon la gaarin in Boolis lowgu yeero, dadkoo dhan baa wada Boolisa waxayna wada aaminsanyihiin in ay ku mitidaan in ay illaashadaan nidaamka iyo masiirka dalkooda.

Shacabka ayaa waxay illaashaan ruux kasta oo isku daya in uu wax musuq maasuqo iyagoo meel uga soo wada jeesta, isku soo duub dalka Finland umaba baahna Boolis oo shacabkaa wada Boolis ah oo dalkooda xumaanta ka wada illaashada.

Dadka waawayn ayaa hantidooda dhaxalkeeda ku wareejiya Dawladda intii ay caruurtooda ku wareejin lahaayeen, iyagoo caruurta dalkoo dhan u arko caruurtooda isla markaana u arka in ay caruurtooda wixii hantiya shaqaystaan oo aan wax billaasha la siin.

Halka ruuxa tabarta daran ay dawladdu daryeesho.

Hoos ka akhri maqaal aan 2013 ka qoray.
Finland dal kudayasho mudan (Warbixin kooban qaabka ay u shaqeeyaan 320 Dawlado Hoose oo madaxbanaan, 19 Gobol iyo Dawladda Dhexe) ka faa idayso.

Diyaariye Ibrahin Sh Maxamed Gablax Finland.