Isbahaysiga Xisbiyada Soomaaliyeed oo soo jeediyay in dib loogu noqdo Xukuumada Cusub

Filed under: Wararka |

Muqdisho: Kulan ay maanta yeesheen Hogaamiyaasha Xisbiyada Siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa waxaa si qoto dheer looga wada- hadlay ; dareenka shacabka ee ku aadan Golaha Wasiirada cusub ee dhawaan la magacaabay, dood iyo falanqeyn dheer ka dib waxaa la isku raacay qodobada soo socda:
1- Isbahaysiga Xisbiysada Siyaasadeed wuxuu u arkaa xukuumada la magacaabay in aysan ahayn tii shacabka Soomaaliyeed sugayay, kana hoosaysa himiladii iyo hankie shacabka, sababaha soo socda awgood:
Laguma jaangoyn dhismaha xukuumadda hanaanka saami qeybsiga beelaha
Xukuumada kuma imaan talo wadaag ballaaran & tixgalin rabitaanka shacabka.
Xubnaha Golaha wasiiradu ma ahan mid qof walba lala eegtay xilkii; khibradda, aqoonta iyo kartida uu u lahaa.
Xisbiyada Siyaasadeed waxay aad uga walaacsan yihiin in in Xisbiyadii iyo shaqsiyaasadkii isbadalka hogaamineed ee dalka ka dhacay qeybta ka ahaa aan laga talo gelin isla markaana laga tixgalin dhisimaha Golaha Wasiirada.
In ay ka muuqato xulista xubnaha golaha wasiiradda nin jecleysi iyo qaraabo-kiil, taasoo ka mid sababihii dumiyey dawladdii dhexe ee Soomaaliya.
Xubnaha golaha wasiiradda qaarkood looma eegin shuruudihii dastuuriga ahaa, iyadoo qaarkood ay aqoontoodu ka hooseyso heer jaamacadeed.
Xukuumaddani kama turjumeyso rabitaankii shacabka ee ku aadanaa la dagaalanka musuqmaasuqa, taa bedelkeedana waxay muujineysaa in musuqii uu sii socon doono.
2- Isbhaysiga Xisbiyada Soomaaliyeeed waxay kula talinayaan Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha in:
A- dib u eegis ku sameeyaan Golaha Wasiirada,
B- wadatashi ballaaran ka geliyaan xubnaha Baarlamaanka, madaxda dawlad goboleedyada, Xisbiyada Siyaasadda, Ururada Bulshada Rayidka iyo cid kasta oo aan looga maarmin.
C- Xubanaha Golaha Wasiirada lagu saleeyo xulistooda “qof kasta iyo xilka uu ku haboon yahay ” (The right person to the right position).
D- Xubnaha Golaha Wasiirada in lagu soo daro xubno ka tirsan Xisbiyada Soomaaliyeed oo qeyb libaax ka soo qaatay isbadalkii hogaamineed ee dalka ka dhacay & shakhisyaadka wadaniyiinta ah.
E- Maadaama xilli dib u heshiisiin lagu jiro, in isku dheelitir beeleed lagu sameeyo golaha wasiirada.
F- In xubnaha soo qabtey xilal hore ee sumcadoodu dhaawacan tahay laga saaro golaha wasiirada la magacaabay iyo kuwa aqoontoodu hoosaysaba
Ugu danbeyn, waxaan taageeraynaa guuxa shacabka iyo kan xildhibaanada golaha shacabka ee saluugsan golaha wasiirada magacaaban, annagoo ugu baaqeyna xildhibaanadu in ay ka dhabeeyaan mas’uuliyadda ay shacabka u hayaan isla markaana ay waajibkooda dastuuriga ee ku aadan xukuumadda cusub ee la magacaabay ay gutaan.